Maxkamadda Ciidamadda qalabka sida oo dil toogasho ah ku xukuntay Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle

Maxkamadda Ciidamada sida ayaa maanta Dil toogasha ah ku Xukuntay Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle, taliye Urur ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka kaas oo lagu helay la shaqeynta kooxda Khawaarijta.

Barkhadle oo Da’diisu tahay 53 jir ku dhashay degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa hay’adaha amnigu soo xireen 19 November sanadkii tegay.

Illaa 27 qof ayaa inta xaqiijiyay ee Diiwaan Dowladda galay ku dhintay Qaraxyo uu dhigay goobo dadweyne.