Maxkamadda ciidamada qaybta Jubbaland oo dil toogasho ah ku xukuntay Maxamed Cabdullaahi Siciid

Maxkamadda ciidamada qaybteeda Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Maxamed Cabdullaahi Siciid (Maxamed Khadar) oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland kaas oo horay u dilay AUN Maxamed Deeq Nuune Saalax taariikhdu markay ahayd lixdii Bishii Tobnaad ee sanadkii 2022-kii.

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa dhagaystay dhowr mar oo kala duwan garmaqalka kiiskan maanta xukunkiisa ay ku dhawaaqday.

G/Dhexe Bashiir Maxamuud Xareed (Qam-dariiran) Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa ku dhawaaqay xukunka.