Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa manata xukun dil ah ku fulisay xidigle C/naasir Daa’uud sheekh Xasan oo si baereer ah u dilay taliye dhamme xoogga dalka Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye oo ahaa taliyihii gaadiidka ee ururka 59-aad.
Dilkaan qisaasta ah ayaa ka dhacay xarunta Dugsiga jeneraal Goordan oo ah goobtii uu marxuumkaasi ku dilay taliyaha.
Ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida Maxamed C/laahi Khaliif Iyo qaar kamid ah eheladii uu ka tagay dhamme ex Cabdi Maxamed ayaa goobjoog ka ahaa xukunka dilka ah ee lagu fuliyay ex xidigle C/naasir Daa’uud.
Dilkaasi kaib waxaa la isku dhinac aasay ninkaasi gacan ku dhiiglaha ahaa iyo taliyihii uu ka dambeeyay dilkiisa .
29-kii bishii hore ayeey aheyd markii marxuumkaasi uu geystay falkaasi dilka ah.