Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday Askari horay u dhaawacay taliyahiisa

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta Shan sano oo Xabsi Ciidan ah ku ridday Ex- Dable Xoogga, Maxamed Xiireey Maxamuud oo ka tirsanaa guutada Cali binu Abii Daalib ka dib markii uu si bareer ah xabbad Afka uga dhuftay taliyahiisa 11-kii Janaayo ee sanadkan.

Eedeysanaha la xukumay oo xilligii uu falka geysanayay ku sugnaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa loo dhaadhiciyay xabsi ku yaalla degmada Guriceel halkaas oo uu ka baxsaday isagoo si dhuumaalaysi ah ku joogay Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa baadi goob dheer kadib gacanta kusoo dhigay eedeysanaha 14-kii April ee sanadkan xilli uu ku sugnaa xeebta Liido ee gobolka Banaadir.

Kiiska eedeysanaha oo heerar kala duwan soo maray ayay Maxkamaddu ugu dambayn maanta ku xukuntay Ex Dable xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud, Shan sano oo xabsi Ciidan ah, magta dhaawaca iyo bixinta Kharashkii ku baxay taliyaha, iyadoo laga saaray xubinnimada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.