Muqdisho (Wargeyska Dalka): Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Maaxi Yoonis” iyo Ibraahim Aadan Maadeey, oo ka tirsanaa Khawaarijta, islamarkaana horey loogu xukumay dil.
Raggan ayaa ka tirsanaa qeybta Jabhadaha iyo dilalka gaadmada ah ee Khawaarijta, waxaana lagu helay dambiyo ay ku galeen magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka fuliyeen dilal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday dad bulshada dhexdeeda qiimo ku lahaa.