Maxkamadda Ciidamada oo saaka dil toogasho ku fulisay laba ka tirsan argagixisada

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukunkii dilka ahaa ee horay ugu dhacay waxay ku fulisay Shucayb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdi Jabaar Cumar oo ka tirsanaa Khawaarijta laguna helay dembiyo dil ah oo Muqdisho ay ka geysteen.

Magacyada Axmed & Qoono ayay Caan ku ahaayeen, waxaana ay argagixisada ka tirsanaayeen ilaa 2014kii, balse ugu dambeyn Maanta la toogtay.