Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun xabsi daain ah ku ridday Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke), kaas oo loo soo xeray 03-dii Bishii Juun ee sanadkaan in uu ka tirsanaa Khawaarijta Alshabaab una qaabilsanaa Qaybta qaraxyada, isaga oo 7 miino ku aasay kuna qarxiyay waddooyinka Buufow Bacaad, wadada Janaale, iyo wadada Sabiib iyo Caanoole.
Sharma’arke ayaa Khawaarijta ku biiray isagoo 15 jir ah waxa uuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Bay, tababarkii markii uu usoo dhamaadayna waxaa loo wareejiyay sanadii 2016 qaybta qaraxyada, waxaana la baray qaabka loo fuliyo loona isticmaalo Miinooyinka.