Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay xubno ka tirsan Khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta.

labaddan xubnood ayey Maxkamaddu hore ugu xukuntay xukun dil toogasho ah.

xubnahan ayaa kala ah Saleebaan Xuseen Nuur Cali oo magaciisa Afgarashadu ahaa Cali iyo Siyaaf.

xubinta labaad ayaa ahaa C/qaadir Abuukar Axmed oo  magaciisa Afgarashadu ahaa Nasru-diin iyo  Saabir, labada xubin ayaa lagu wada fuliyay Dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida,labadadooda oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa dilal horay uga gaystay Caasimadda.