MAXAYNU DUNIDA U DHOOFIN KARNAA

Intii aanay gumeystayaasha faranjigu qabsan oo kala qaybsan, soohdin beenaadyada iyo seerayaashana ku kala qoqoban

Soomaalidii hore ayagoon lacagna aqoon, dowlad iyo talis wax u kala hagaajiyana aan lahayn bay waxyaabo badan aduunka u iib-gayn jireen, kuwo kalena uga soo baddalan jireen.

Waxay dhoofin jireen qeyb kamida kheyraadka uu dalkeena Eebbe ku manaystay oo aan caanka ku nahay sida hilibka xoolaha,subagga,malabka,malmalka,gar-ceesaanka,haragga shabeelka,foolka maroodiga,xabagta beeyada iyo waxyaabo kale oo dalalkii la gayn jiray abdo iyo qayma sare u lahaa.

Dalalka carabta,afrika, iyo meelo kale ayay wax soo saarkooda u iib-gayn jireen,waxayna ka gadan jireen raashin,dhar,cirbado lagu tosho,iyo waxyaabo kale oo noloshooda xilligaa muhiim u ahaa,milgo iyo abdana u lahaa.

Ganacsigaasi ma ahayn mid dheelis-tiran oo waxay dunida u dhoofiyaan iyo kuway ka soo dhoofsanayaani isku tayo iyo isku wax-tar ma ahayn,balse way ku qanacsanaayeen maxaa yeelay kansho kale oo ka rooni uma aanu furnayn.

Inkastoo ay mar mar abaaro gaag ma reebtooyin ah ku wax-yeeloobi jireen haddana Soomaalidii xilligaa joogtay baydi iyo barwaaqo ayay ku noolaayeen, waxayna rumeysnaayeen inay uumiyaha ugu ayaan badanyihiin,cid qadan iyo quud ku dhamina aanay aradka guudkiisa ku dhaqnayn.

Wax kastoo noloshooda la xadhiidha ayagaa farsamaysan jiray oo dhirta iyo saanta xoolaha ayay ka samaysan jireen aqallo waaweyn oo ay suudiga iyo dhaxanta kaga gambadaan,dhar ay xidhaan,kabo,weelal ay wax ku shubtaan,hub ay dugaaga isaga dhiciyaan kuna ugaarsadaan sida qaanso iyo leeb iwm,waxyaabaha dibadda uga yimaadaahina ma badnayn.

Waxay ahaayeen dad isku filan oo waxay haystaan ku iimaan qaba, wax ka maqani inay jiraan aanay la ahayn oo qab leh,farshaxan iyo dhaqan firba fir ka soo dhaxlay oo ay asaagood ugu faani karaanna ku dhaata.

Deeqsinimo ayaa astaan u ahayd oo martida iyo maganta aad bay u tix-galin jireen, balse dhanka kale tuugsiga iyo baryaha cid aan Alle ahayn wax la weydiisto hiddo uma aanay lahayn oo reer dhan iyo ruux kaligii ah midkoodna inuu asaagiis u gacan soorsado kuma dhiiran jirin haddii aanay musiibo ku habsan oo xoolaha ka baabi’in.

Dulucda maahmaahdii ahayd “biyo gacmahaagaa looga dhargaa” ayay ku dhaqmi jireen oo qof waliba muruqiisa iyo maskaxdiisa ayuu ku ciil bixi jiray oo cood iyo calafba ku tabcan jiray,haddii abaar iyo aanfo ku dhacaanna Alle ayay baryi jireen oo ducada iyo durraansiga ayay u bayri jireen.

Wax sidaa la ahaadaba kolkii ay saan-caddaalayaashu dalka soo galeen, gumeysiga arxan darrada ahna ka bilaabeen ayay wax waliba is baddaleen,dhoofintii iyo iib-gayntii wax soo saarka soomaaliduna wiiqmay, waxayna la yimaadeen qorshe cusub oo dadka hal-abuurkooda iyo dhaq-dhaqaadoodaba lagu cuuryaaminayo.

Waxaa soo korodhay aragti cusub oo soomaalida looga dhaadhicinayo inay cayr ama saboolyihiin oo ay kaalmo iyo gurmad u baahanyihiin, haddii kalena ay dhimasho qarka u saaranyihiin oo ay dabar-go’ayaan haddii aanu aduunku badbaadin oo aan caawimaad la siin.

Figraddaasi si fudud ayay ku dhaqan gashay oo soomaaliya waxaa loo aqoonsaday mid kamida dalalka ugu faqrisan aduunka,waxaana sanad walba magaceenna lagu cunaa malaayiin doolar oo aan wax inaga soo gaadhin,ururo aynaan garanaynna meherad ay ka mucaashaan u ah.

Shaki kuma jiro inuu qorshahaasi maskaxdeenii iyo muruqeenneeba fadhiidka ka dhigay oo ina cuuryaamiyay,raashinka dhacay ee macawinada lagu sheegona lagu soo beego xilliga ay inteena fara ku tiriskaa ee beeralayda ah wax u soo go’aan, inay dunida wax u dhoofiyaanna ku hammiyaan.

Waa runoo hadda wax badan waan iib-gaynaa sida xoolaha nool,qeybo kamida kheyraadka badda sida hilibka iyo dhegaha liibaax badeedka,qudaarta sida liinta la qallajiyay iwm,balse boqolkiiba toban 100/10 wax ka yar ayay ka tahay wax soo saarkeenna, umana dhiganto waxyaabaha laynagu soo qufo oo maalin walba dekadeheenna laga soo dejiyo, nolosheenuna ay martida u tahay oo kheyraadkeenii inaga indha-saabay.

Maskaxda in laynaga gumeysto haddaad been moodi jirtay hadda waad baraarugtay soma maaha? ma’se la joogaa xilligii aan magac xumida iyo fadhiidnimada ka bixi lahayn oo dalkeena dihin tabcan lahayn,asaageenna horumar iyo hodantinimo kula tartami lahayn?

Waa weydiin aan hor-dhigaya soomaali walboo damiir leh,bubaaqiisu fayowyahay,bah-dilka iyo dheg-xumida astaanta laynooga dhigayna ka gilgilanaya,maankiisuna soomaaliyoo barwaaqo noqatay ku fooganyahay oo aayaha dadkeena iyo dalkeenu inay samaadaan naawilaya.

WQ: Abwaan Hareeri