Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkii hore u codeeyey in la qaado cinaqabateyntii hubka ee saarneyd dowkadda Soomaalia iyo ciidamada ammaanka taas oo soo gabagabeyneysa in ka badan 30 sano oo ay xannibaad saarneyd in hub la keeno Soomaaliya.
Golaha Ammaanka ayaa qaatay labo qaraar oo qabyo ahaa oo Jimcihii hore la horkeenay Golaha oo ay Ingiriisku soo gudbiyeen , mid ka mid ah qaraaradaa la soo gudbiyey wuxuu ku baaqayey in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya iyo mid kale oo ahaa in mar kale cunaqabateyn hub lagu soo rogo Alshabaab oo tan iyo 2006dii dagaalo ku hayey dalka .
Tallaabadan ayaa loola dan lahaa xoojinta awoodda dowladda Soomaala ay kual dagaalamayso Al Shabaab iyo soo celinta degenaanshaha iyo ammaanka dalka Soomaaliya oo ay halakeeyeem dagaallo tan iyo markii ay dhacday Xukuumadda Jen. Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991dii.
Golaha ayaa walaac ka muujiyey in aanay kirin meelo badbaado leh oo rasaasta lagu keydiyo dalka Soomaaliya gudihiisa, wuxuuna dalalka Soomaaliya la saaxiibka ah u soo jeediyey in Soomaaliya laga caawiyo sidii ay u heli laheyd loogu dhisi lahaa , dib loog dayactiri ahaa looguna isticmaali lahaa keydka rasaasta meelo amni ah.
Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhaweeyey go’aanka Golaha Ammaanka isagoo sheegay in arrintani gacan ka geysaneyso in la casriyeeyo ciidanka Qaranka ayna ciidanka u suurtagalineyso inuu helo hubka uu u baahan yahay .
Waxaa kale oo uu u mahadceliyey waxa uu ku tilmaamay dalalka saaxiibka ah ee gacanta ka geystay in la qaado cunaqabateynta , wuxuuna sheegay in dowaddiisu ay xaqiijin doonto in hubka aanu ku dhicin gacmo qaldan.
War qoraal ah oo ay dowldda Soomaaliya soo saartay ayaa lau sheegay in qaadista cumaqabateynta hubka ay marqaati u tahay dadaalka aan yareyn ee beessha caalamku u gashay in Somaaliya nabad iyo xasiloni waarta laga dhaliyo.
Inkastoo ay jiri karaan caqabado la xiriira maamulka iyo xisaabtanka hannaanka loo haynayo hubka hadana Goluhu waxay sheegeen in loo baahan yahay in la hagaajiyo dowlad wanaagga, xuquuqda aadanaha iyo dadaalada dib u heshiisiinta .
Soomaaliya ayaa ku tiirsaneyd gacansiin ay ka hesho ciidamada Midowga Afrika iyo quwadaha reer Galbeedka sida Mareykanka iyo Turkiga si loo sugo Ammaanka loogana hortago qatarta Al Shabaab.
Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qaaday dagaallo bishii May ee sanadkii hore iyagoo degaano badan dib uga qavsaday Al shabaah waxaana qaadista cunaqabateynta hubka loo arkaa calaamad weyn oo kalsooni ah mara marka eego dib u soo celinta nabadda iyo amaanka
WQ: Moxamed Shiil Xasan