Baraha bulshada waxaa qabsaday hadal hayn xoog leh oo ku saabsan in raga dhallinyarada ah ee soomaaliyeed ay u guurdoonteen hablaha dalka Marooko eek u yaalla Woqooyiga Afrika ahna dal carbeed oo Muslim ah.
“Faarax luga Baasto waa tashaday waxayna u guurdoonteen hablaha Marooko , is muujiya Xaliimooyinka oo raggiina ka soo dhacsada gabdhaha Marookaanka ah “ ayuu yiri Maxamed Cumar Cabdi oo ka mid dadka caanka ah ee Baraha Bulshada wax ku soo bandhiga .
“Hadda ka dib ma jirto 30 kun oo Doolar keen , meherkeyga waa soddon kun oo Doolar , Hoteel ku dhig arooskeyga ´ayuu yiri Zaki Ayuuto oo ka mid ah dadka caanka ku ah baraha bulshada.
Gabdhaha Soomaalida ayaa ka carooday arrintan kuna tilmaamay wax ay ku tilmaameen “ waan socon weynay ee aan orodno” iyagoo ku xifaaleynaya raga Soomaalida kuwo tabar yar oo howshoodii gudan waayey oo aanay jirin sabab ay ugu ordaan dumar shiseheeye ah.
“ waan kala jebineynaynaa gabar kasta oo Marookaan ah oo la soo guursado oo dalka la keeno “ ayey tiri gabar soomaaliyeed oo aad u careysan oo sheegtay in raga Soomaalidu ay ku xumemyn wadaan una dan leeyihiin in sumacadda gabdhaha soomaalida ay hoos u dhigaan.
“ Ma jirto sabab ay ugu ordaan guurdoon tahriib ah , maxay gabdhaha Marookaanku na dheer yihiin oo ay raga Soomaalidu naga waayeen “ ayey tiri Jamiilo Axmed Cumar oo Muqdisho ku nool.
Ragga Soomaalida siiba kuwa ku sugan dalalka Yurub ayaa lagu warramayaa in ay ku sii qulqulayaan dalka Marooko iyagoo koox koox ah waxayna sheegayaan in guurka gabdhaha ee dalkaasi ka raqiisan yahay kan Soomaaliya waxayna sheegeen in qarash aad u yar uu kga baxayo guurka gabadha Marookaanka ah.
“ Guurka gabadha soomaaliyeed waa qaali waxaana ku baxaya lacag aad u fara badan oo dhallinyaro badan uur la’aan dhigtay laakiin Marooko waxaad ku guursan kartaa lacag aan ka badneyn labo kun oo Doolar” ayuu yiri Jaamac Maxamed Xuseen oo sheegay in guurka gabar Marookaan uu uga soo kicitimay qaaradda Yurub oo uu ku nool yahay.
Waxaa jira ra’yi ururino arrintaa laga sameeyey gudaha magaalada Mudisho waxayna ragga qaar sheegeen in Dumarka Soomaalida ay yihiin kuwo aan lagu doorsan Karin haween kale oo ay yihiin kuwo nadiif ah oo Samir badan isla markaana aan la difir kaalintooda dadnimo.
“ anigoo arkaya gabar soomaalyeed waligey mid kale ma raadinayo “ ayuu yiri Shucyb Maxamed Xaaji oo Muqdisho ku nool.
Gabdhaha Marookaanka inkastoo ay yihiin gabdho Muslim ah oo carbeed hadana shuruudaha ku xeeran waxaa ka mid ah in aan Soomaaliya la keeni Karin taas oo mustaqbalka carruurta ay dhalaan u ekeyneysa mid aanay suurtagal aheyn in ay qaataan dhaqanka Soomaalida ama haddii labada waalid ay kala tagaan aan dib loogu arki doonin meel aan aheyn Marooko.
WQ: Maxamed Shiil