Waa xaqiiq mar haddii uu jiro xifaalatan siyaasadeed iyo kursi kala riixasho in la soo faag faago wax aan jirin iyo been abuur aan sal iyo raad toona lahayn iyadoo siyaasiyiinta qaar aysan eegin maslaxadda dalka iyo tan shacabka Soomaaliyeed ee u ooman dowladnimada.
Waxaa habboon in aan rarka laga badin ratiga waayo waxaa iman kara inuu dhinac u dheelliyo ka dibna ujeeddadii Qarankanu lahaa ay meeshaba ka baxdo.
Haatan sida aan ognahay waxaa dalka ka jira dowlad sida badan dadweynuhu u arkaan inay tahay mid gudatay waajibaadkeedii loo idmaday intii ugu badneyd, waxaa wax qaldan ah in laga hagrado waxqabdkeedii cadcaddaa ee ay ku tillaabsatay intii ay dalka ka soo talineysay, waxayna kasbatay inta badan quluubta shacabka soomaaliyeed.
Xagaa lagu shiray, iyo xaggaa lagu shiraa xabba nooma gashee xalka iyo xaajada hoos haloo dhaqo.
Ruux wax qabtay haddaad tiraahdo wax maqaban dadkuna ogyihiin taasi sow maahan ihaano iyo dhaliillo aan meelna heysan?.
Tartanku waa wax loo baahan yahay ruuxii Alle calaf ugu daraba, balse yaanan lagu doonin si aan lagu dooni jirin ama dani ugu jirin shacabkan soo daalay, mana aha inay dhacaan wixii koldhaweyd dhacay oo kale, iyadoo wax la dhoodhoobayo haddana yaan wax la sii dumin.
Run ahaantii Adduunyadu maanta way nasoo wada eegayaan, bal sida aan wax ka yeelno, sidoo kale marastii, waayeelkii caruurtii iyo haweenkii intaba waxay ka dhursugayaan inaad dhanka wanaagsan u wada dhaqaaqdaan, waayo waran waran ku taag dambe dalka uma baahna umana dulqaadan karo.
Sida aan wada ognahay dalkeenna waxaa ku hareereysan dalal ay naga dhaxeysay cadowtinimo guun ah, waayo dal og inuu dhulkaada heysto marnaba ka sugimeysid inuu kuu galliimo ama kuu hagar baxo, waa sidaasoo weliba ay doonayaan inay dharaar cad qoraxda nagu dubtaan.
Iyadoo aan ognahay haatan meeshu dalku marayo siyaasad ahaan maahan in lagu abuuro tashuush aan waxba ka jirin, lana fool-xumeeyo suuradda dowlad dadkeeda wax badan u qabatay, siyaasaddu micnaheedu maahan in laga been sheego wixii jiray.
Dalkan isbeddel wuu ka dhacay, wuxuuna ahaa mid ay shacbi weynaha soomaaliyeed raalli ka ahaayeen kuna muujiyeen rabitaankooda, welina sidii bay raalli uga yihiin.
Sidoo kale, ujeeddadu waa inaan helnaa doorasho xalaal ah, oo qof waliba oo soomaali ah raalli ka yahay, maahan in siyaasadda dalka iyo xukunkaba ay cid gaar ah is laheysiiso, afar sano oo kasta dalka wuxuu diyaar u yahay in uu galo doorasho xaq iyo xalaal ah, iyadoo mucaaradnimaduna aysan ahayn mid wax lagu duminayo, tartan caddaalad iyo sinnaan ku saleysan ka dibna loogu hambalyeeyo walaalka markaasi ku guuleysta kursiga dowladnimada.
Shacabka Soomaaliyeed waxay soo dhaweynayaan doorasho ka dhacda dalka iyadoo raalli laysaga yahay, waxaana leenahay dowladdani way soo shaqeysay, iyadoo dowladihii horena ninba meel soo gaarsiiyay, nin xun ma jiro, haddana kii dalka u soo baxa haddaan nahay ummadda soomaaliyeed waan la shaqeyneynaa, balse waxaan si buuxda uga soo horjeednaa wixii qas iyo qalaanqal la doonayo dalka iyo dadka marna shacabku raalli kama naqanayaan mana soo dhaweynayaan.
Nabaddu waa furaha nolosha, ruux walbeyna dan u tahay howshu haddeysan noqnon xagga qabo xaggaan qaban, wallee waa naloo yaabaa, bal wax badan ka fikira ummad yahay soomaaliyeed in dalkaan loo celiyo meeshii uu ka yimid oo ruux walba oo waxgarad soomaaliyeed ah uu garanayo, waxaa halis ah xitaa in la dhageysto qofka waxaasi ku geeraaraya.
Shacabka soomaaliyeed wuxuush maahan, mana aha geedka gabaldayaha ah ee gelinba dhinac ujeesta way garanayaan meeshay dantooda ku jirto cidna maanta looma tilmaamayo wuxuu sameyn lahaa, aqoontuna waxay mareysaa heerkii ugu sarreeyay 1991 iyo 2020 cidna isku doorsan meyso.
Waxaanse Allaah ka baryeynaa in uu siyaasiyiinteenna soo hadeeyo, kuna toosiyo dariiqa san ee Allaah Swt iyo Shacabkuba raalli kaga yihiin.
W/Q: Osman Dhiblaawe.