Maxay Khawaarijtu u albaabada ugu laabeen guryihii Alle “Masaajida” ee ku yaalay deegaanada laga saaray

Maxay Khawaarijtu u albaabada ugu laabbeen guryihii Alle “Masaajida” ee ku yaalay deegaanada laga saaray

Kooxda naxariista daran ee khawaariijta oo dhowaan laga xorreeyey gobolada Shabeellaha Dhexe,Hiiraan,Mudug iyo Galgaduud ayaa deegaannadii laga xorreeyey waxa maalin ba maalinta ka dambaysay laga ogaanayaa dhacdooyin argagax iyo yaab leh.

Warbaahinta qaranka oo booqatay qaar ka mid ah Deegaannada laga xorreeyey khawaariijta ayaa waxay kusoo ogaadeen in khawaariijtu albaabada u laabtay dhamaan goobihii ahaa guryaha alle ( Masaajidadda) iyo goobihii waxbarashadda sida Dugsiyadda quraanka lagu barto,dugsiyadda waxbarashadda maaddiga ah.

Deegaanka Masjid Cali gaduud.

Sida uu noo xaqiijiyey Sh Cali Nuur Xoogsade oo ka mid ah Culimadda booqday deegaannada laga xorreeyey khawaarijta ayaa Wakaaladda wararka SONNA u sheegay in Masaajidka deegaanka Cali gaduud oo ka mid ahaa goob soo saarta Culimo tiro badan loogana soo cilmi doonan jiray gobolada Hiiraan,Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud kuwaas oo uu halkaa wax ku bari jiray caalimka weyn ee Sh Maxamuud Cali aw xuseen kaas oo kooxda khawaariijtu ka masaafurisay deegaanka,masjidkan ayey khawaariijtu ka dhigteen goob ay ku tababaraan caruurta ay khaldeen sidoo kale qayb ka mid ah masjidka ayey ka dhigteen Bakhaar xashiishka lagu kaydiyo halka qayb kalena ay ka dhigeen goob ay ku qaadaan lacagaha baadda ah ee shacabka xoogga uga qaadan jireen.

Shacabka deegaanka masjid Cali Gaduud ayaa dib u furay masjidka iyagoo bilaabay in ay nadiifiyaan qaybaha ay dumiyeene dib u dhis ku sameeyey.

Waxay sidoo kale khawaariijtu qaarna xireen qaarna ka dhigteen gurto ay seexdaan masaajida kala ah Masjidka degmadda Aadan yabaal waxay ka dhigteen goob ay seexdeen,sidoo kale masaajida Guullane iyo masagawaay ayey gabi ahaan ba xireen.

Intaas oo keliya kuma koobna dhibaatooyinka khawaariijtu geysteen ee waxay sidoo kale xireen dhamaan dugsiyadii quraanka iyagoo macallimiintii ku khasbay in ay khasab ugu dagaalamaan khawaariijta sidoo kale khasab ku askareeyaan Ardaydii wax ka baran jiray dugsiyadda quraanka,waxay sidoo kale xireen dhamaan dugsiyadii lagu baran jiray cilmiga maaddiga taas sababtay in kumanaan caruur Soomaaliyeed ah waxbarasho la’aan ku dhacdo mudo 15 sano ah.