Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka, geeddi-socodka doorashooyinka, iyo gogosha wada-hadal ee Xukuumaddu u fidisay Golaha Samatabixinta iyo dhinacyada mucaaradka.
Xoghayaha Joogtada ah ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay la wadaagay horumarka muuqda ee Xukuumaddu ka sameysay sugidda amniga guud ee dalka, doorashadii Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo si nabad ah uga qabsoontay Caasimadda Muqdisho. Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda uga go’an tahay dhageysiga tabashooyinka mucaaradka iyo xoojinta wadatashiga siyaasadeed si loo helo is-afgarad qaran.
Dhankiisa, Mr. James Swan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay gogosha wada-hadal ee ay u fidisay mucaaradka, isagoo ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay taageeri doonto dadaallada lagu xaqiijinayo in gogoshu ay miro dhal noqoto. Waxa uu sidoo kale ammaanay habsami u socodka iyo nabadgelyada doorashadii Golaha Deegaanka ee ka dhacday Caasimadda.


