MAXAAN ISKU KHILAAFAYNA?!.

Dadka Muslimiinta ah waxaa badan, waxyaabaha mideeyo, la isku raacsanyahy, laguna kala tagsanayn, wixii ka soo haro, waxa ay u badan yihiin waxa la isku qabsado masaa’il faraceed uusan ku soo aroorin nas cad, ama tafsiirkiisa lagu kala geddisnaado.

Meelaha sixitaanka u baahan ee inbadan doodaha dhaliyo waxaa kamid ah; in masaa’ilka faraca ah la isku qabsado, wadaaddada ama xubnaha jamaacooyinka Islaaamiga ahne ay ku kala tagaan; arrimahaas oo u badan kuwa ay culimadii hore isku khilaafeen xaaraantinimadooda ama xalaalnimadooda, waajibnimadooda ama sunnanimadooda!.

Waxaad arkaysaa iyaga oo buuq badan ka dhalinayo, ama dagaal ka kicinayo arrimo khilaaf badan ka jiro, tusaale; Sii deynta garka, gaabinta ama xiiriddiisa, dheeraynta dharka ama gaabintiisa (ragga), gacmaha halka la saarayo xilliga salaadda la taaganyahay; xuddunta korkeeda ama xabadka!, Heesaha iyo aaladaha loo isticmaalo; xaaraan, xalaal mise wax la koho, sawirka iyo surashadiisa darbiyada, niqaabka dumarka iqk. Oo badan kuwaas oo dhammaantood markaad eegtid ah masaa’il horay iyo gadaal ba dood badan ka taagneyd, khilaaf badanne culimada kaga dhex jiray!.

Haddaba mushkiladdu ma ahan qofka, in uu baaritaankiisa kaga qanco ra’yi gaar ah oo ku saabsan mas’alada, balse dhibka aan tilmaamaya ayaa ah, in halbeeg lagaaga dhigo aragtidaada ku aaddan mas’alo farci ah, oo aad addoomada Illaahay ku xukuntid aragtida aad ka qabto mas’alo khilaafi ah, kadibne aad ka hadashid masiirkooda iyo xukunkooda aakhiro, mas’alooyinkaasne aad u aragtid sidii iyaga oo ah asaas caqiido oonan lagu kala tagi karin!.

Dadka noocaas ah halbeeg ay kugu xukumaan ayay kaaga dhigayaan mas’alooyinkaas iyaga oonan marne soo hadal qaadeyn inta ka badan ee la isku waafaqsanyahay, markaasuu ka tagayaa tiirarkii Iimaanki, Islaamka, Dhaqanka wanaagsan iyo akhlaaqda suubban ee lala soo diray suubbanaha SCW in uu dhammaystiro, waajibaadka la isku raacsanyahay iyo xaaraanta la isku raacsanyahay, waxa uuna wax walba u arkaa, dood ka kicinta iyo weydiimaha ku dhisan arrimahaas khilaafiga ah!.

Waxyaabaha aan u diiddanahay dadkaas:

  1. Jaceylka dood-kicinta: waxaa summad u ah dadka noocaas ah, in ay dood ka kiciyaan ku saabsan arrimaha la isku khilaaf sanyahay meel walba, masjidka, muxaadarooyinka iwm.

Waa dood sugid jiritaan ku dhisan iyo is-muujin joogid!.

  1. U-arkidda in aragtidooda uun sax tahay; arrintaas oo keensanayso isku qancid ay la jirto isla-weynin, waana u arkidda in aragtidaadu tahay sax aanan khalad noqon karin, halka aragtida qofka ka soo horjeedana tahay a khalad aanan sax noqon karin!. Waxa ayna kuwaaas inkirayaan ama is-inkirsiinayaan, in mas’alooyinka khilaafiga ah lagu kala aragti duwanaan karo, caalimka (Mujtahidka) ahne uu ku yeelan karo aragti isagoon caalim kale u daba fariisanayn, halka qofka caamiga ah ee aanan aqoon u lahayn cilmiga uu kaga dayan karo caalim dedaalay (Mujtahid) aragtidiisa!.
  2. Tixgelin la’aanta arrimaha la isku raacsanyahay: waxa aan ku lunnay waxaa kamid ah, in aan ku mashquulnay arrimo yaryar kuwaas oo naga indho tiray arrimo waaweynaa oo mudnaa tixgelin iyo weynayn, in sees iyo saldhig looga dhigo xukminta qofka; aragtidiisa ku aaddan mas’alo yar, waa indho la’aan jahli iyo marin haabid cad!.
  3. Jacayl buuq-dhalin iyo dood: Waxaan inbadan u fiirsaday in dadka noocaas ah, ay iska jecel yihiin buuqa, doodda iyo muranka, waana wax xun oo waqtiga oo ah waxa ugu qaalisan ee aan haysanno inbadan naga cunayo, dedaalladana baabi’iyo. Xadiis ayaa ahaa “Kama baadiyoobaan qawm hanuun ay ku sugnaayeen illaa waxaa ay lagu sallidaa dood!”. (Axmad iyo Tirmidi). Waxaana kamid ahaa hanuunkii Suubnaha SCW necbanaanta doodda iyo muranka.
  4. Isla-saxnaan indho la’aan ah: waxaana laga dhaxlaa is-cajabin iyo in uu qofka naftiisa u arko marwalba mid saxan. Waana wax aad u xun in qofka ka indho la’aado ceebihiisa, maanta dhanne uu arkayo ceebaha dadka kale.
  5. Ka malaysashada dadka wax xun: arrintan aad ayay u halis tahay, suubanahuna waxa uu noo dardaarmay ka maleysashada mu’miniinta wax wanaagsan. Nasiib darro, waxaan arkeynnaa in qofki lagu arko wax kamid ah masaa’ilka khilaafka ka jiro, iyada oo dadka qaar ay qofkii xukminayaan, oo ay ugu yeerayaan naanayso xun sida (Faasiq, calmaani, diinlaawe iwm.)!. qofki aad aragtid in uu surwaalkiisu dheeryahay kama dhigno in uu yahay qof xun, waxaaba dhici karto in uu kaa fiicanyahay, ee aan Illaahay ka cabsanno oo aan umadda isu soo dhaweeynno, inti aan kala fogeyn lahayn!.

WQ: Cabdicasiis Mubaarak.