Ma ogeyd in dalkaagu yahay kan kaaga baahan in aad caawiso oo aad ka celiso cadow kasta oo doonaya in uu waxyeelo u geysto.
Dabcan waad igu raaci doontaa oo waxaad dhihi doontaa ..haa waa runtaa laakiin waxaad isweydiin doontaa waxa keenay su’aasha noocaas ah.
Ma aha cadowgu kan dibedda oo keliya laakiin cadowyada gudaha ayaa iyana aanay yareyn lug gooyadooda oo meel walba gali karta una baahan ka fiirsi badan iyo in dhug loo lahaado.
Waxaad ogeyd adigu dal ay dadkisu dhisaan oo ka fekeraan laakiin welgaa ma arag dal dadkiisu lid ku noqon karaan oo weliba ka xigsan karaan dalal ay marti ku yihiin oo weliba si dhib leh ay ku tageen.
Labo kaarleyaal ayaa ku badan dalka kuwaas oo isu heysta in daljoogta ay wax dheer yihiin laakiin ay waayo aragnimadoodu ku kooban tahay erayo kooban oo ay ka bowsadeen luuqadda dalalkaas ay tageen kana dhiga ilbaxnimo ay dheer yihiin dal joogta.
Kuwaas maxaad ku ogeyd adigu ….dabcan waxaad ku ogeyd faan badan iyo in ay isku dayaan in ay daljoogta kala wareegaan meel kasta oo manfac leh iskuna taxaan meelaha muhuumka ah.
Waxay tani keentay in ay sameysmaan labo dabaqdood oo kala ah : dabaqad daljoog ah oo lugeysa, noloshu dhib ku tahay , haddii ay waxbarteena aan lagu tixgelin oo uu booska ka qaaday dibadjoog wareega oo wata shahaadooyin (Fake ) ama been abuur u badan.
Ma aha in la weeraro dadka dibadjoogga ah guud ahaan laakiin waxaa jira kuwo raad xumeeyey oo si qaldan u fahmay in qurbajoog la noqdo oo daljoogtii yasmo kula dhaqaaqay.
Dalku labadaba (daljoog iyo qurbajoog ) waa u baahan yahay laakiin waa marka si daacad ah oo dheellitiran loo wada eego oo tooxsigu meesha ka baxo.
Soomaalida maanta waxay u baahan tahay cudud wax dhisaysa ee uma baahna cudud wax kala tooxsaneysa oo meesha ka saaraysa hab dhaqankii loo baahnaa.
Sadaqadu gurigaaga ayey ka bilaabantaa waana marka hore ay mudnaanta helaan ardayda kumanaanka ah ee dalka gudihiisa ay shaqo la’aantu ku heyso weliba iyagoo ka baxay jaamacadaha qaarkoodna labo shahaaddo ka haystaan.
Timirtii horeba dab loo waa iyadoo gudaha dalka ay ka jirto ayaa hadana fursadihii yaraa ee jiray waxaa gacmaha ka buuxsanaya kuwo haysta fursado ay dibadda ka heleen haba u yaraadeene.
Ma waxaa dhab ah oraahda soomaalida ee aheyd NIN WAX HAYSTAA WAX LOOGU DARAA ..sida dadka soomaalida ah lagu yaqaano oo ay ista bada dhahaan .Daljoogta dib ha loo eego.. oo yaaan loo qaadan kuwo dam ah maadaama la dheer yahay oo keliya xoogaa erayo af kale iyo dhal dhalaal yar.
WQ: Maxamed Shiil Xasan

