MAXAAD KA TAQAANA SUUFKA IYO SIDA LOOGA GANACSADO?

Haddaba, Dadkii hore ee dunidan ku noolaan jiray, waxay dharka ka sameysan jireen Caleemo, Cows, Mayrax, Maqaarka iyo Hargaha Xoolaha. Ka dib waxay dadkii barteen sida dhar looga sameysan lahaa Miiqyada Dunta ee Cudbiga ama Suufka iyo Xariirta.

Maanta waxaa dharka laga sameeyaa Dun dhar sameeye ah oo loo yaqaanno “Sintetik”, waxaana ka mid ah Nayloonka iyo Teteroonka, dharkan macmalka ah, waxaa sameeya Warshad, laakiin dharkii hore gacanta ayaa lagu sameyn jiray, welina hadda waa la sameeyaa, waxaana loo yaqaan “Dharka Aliindiga” Noocyada Miiqleyda ee dharka laga sameeyo waa:

1-Cudbiga (Suuf) la beero  2- Dhagorta Xoolaha 3- Xariirta, oo ah miiq uu sameeyo tixri. 4- Miiqleyda dadku sameeyo ee loo yaqaanno Nayloonka iyo weliba Tetroonka Beerista Cudbiga: Cudbigu wuxuu ka mid yahay geedaha Miiqleyda oo dabiici ah, dharka laga sameeyo Cudbiga wuxuu celiyaa dhaxanta xilliga kuleylahana jirka kuma dhego.

Cudbiga waxaa laga sameeyaa Miiqyo kala duwan oo laga dhigo dhar la xirto. Dhirirka geedka cudbiga ah wuxuu gaaraa mitir iyo Bar (1.5m) ka hor inta aanuu u baxeysan geedku, wuxuu marka hore bixiyaa buruq la yiraahdo “kubbad” waxaa ku dhex jira miro mad madoow, waxaana ku daboolan cudbi cad cad ama sida badaanab loo yaqaanno Suuf kaasoo laga sameeyo miiqyada dunta.

Cudbiga waxaa loo qeybiyaa midba inta dhererkiisu la egyahay, marka cudbiga la kala jiido haddii dhererkiisu ka yar yahay 3 senti mitir (3cm) Waxaa la yiraahdaa waa dun gaab, haddiise dhererkiisu 3cm ka badan yahay waxaa la yiraahdaa waa Dun dheer.

Cudbiga Dun dheeraha ah waxaa laga sameeyaa dhar wanaagsan, hase yeeshee Cudbiga ugu badan ee dunida laga beero waa Dungaab. Xaaladaha uu ku baxo geedka Cudbiga waa sidan soo socota: 1- Roob gaaraya (500 mm) ilaa (1000 mm) ama waraab u dhigma xilliga uu baxayo, wuxuuna u baahan yahay Roob ama Waraabin ku filan.

2- Wuxuu ku baxaa (200) maalmood iyo heer-kul gaaraya ilaa (21 Cg) oo aan baraf ku dhicin. 3- Qorrax kulul xilliga ubaxa uu bixinaayo iyo marka buruqda furmeyso amaba ay dillaaceyso. 4- Xilli qallalan oo lagu gooyo Cudbiga 5- Carro hodan ah ama Carro san oo qoto dheer oo ay ku jiraan maadooyin badan oo Orgaanik ah.

6- Shaqaale ku filan xilliga ururinta iyo goynta Cudbiga. Dalka Mareykanka ayaa ugu Horreeya beerista Cudbiga waxaana laga beeraa gobolka Koonfurta Bari ee Mareykanka, waxaa gobolkan lagu magacaabaa “Diilinta Cudbiga”, waxayna fidsan tahay laga soo billaabo Koonfurta gobolka Karolina ilaa gobolka Taksas iyo galbeedka webiga Missisibi.

Dalalka kale ee soo saara Cudbiga waxaa ka mid ah, qaar ka tirsan Qaaradaha Yurub, Hindiya, Bakistaan, Shiinaha, Masar, Meksiko iyo Baraasiil. Dunta Xariirta ah: Xaariirtu waa Dun ama Miiq uu sameeyo Tixri lagu magacaabo “Silki” marka Tirxigu uu ku jiro xilliga uu yar yahay ee meerto-nololeedkiisa ayuu afka ka soo saaraa Dun xariir ah, oo gaareysa hal kiiloo mitir (1km) ka dibna duntaasi xariirta ah ayaa si taxaddar leh loo duuduubaa.

Tirxiga sameeya xariirta waxaa la siiyaa caleenta geedka Malberry ama Tuut. Tirxigan sameeya xariirta wuxuu ku kooban yahay meelaha uu ka baxo geedka Tuut, waana dhulka leh Cimmillada Badda Cad ee Dhexe, meelahaasi oo waqtiyada jiilaalku gaaban yahay.

Xagaagu waa kuleyl, waxaana uu leeyahay roob sannadeed gaaray (500 mm) si loo uruuriyo xariirta, shaqada ugu horreysa ee la qabto waa in dib loo furfuro duuduubyada xariirta, waxaana lagu furfuraa gacanta ama mashiin.

Marka warshadda la geeyo miiqyada jilicsan ee xariirta ayaa dib la isugu soohaa dhowrkii miiq si ay u xoogeysto oo aanay u go’in marka dharka laga sameynayo. Halkii duub ee xariir ah dhererkiisu yahay 1km, marka warshaddu isku sahdoi, wuxuu noqdaa 450 mitir, oo ah xariir tayo leh ama 1320 mitir, oo ah xariir aan tayo lahayn, oo marka u dameysa la lsoo saaro, ka dibna waxaa laga sameeyaa dhar qurux badan oo xariir ah.

Dalka shiinaha iyo jabbaan waa dalalka ugu horreeya ee soo saara xariirta dunida. Wax soo-saarka xariirta ee dalka shiinaha, waxay ku kooban tahay gobollada tirada dadku ku badan yahay ee ku dhow magaalooyinka konton, shan tung, iyo bannaanado waqooyiga shiinaha ee u dhow magaalada warshadaha ee shagahay.

Waxaa kaloo xariirta laga soo saaraa waqooyiga isbeyn iyo bariga badda dhexe iyo sidoo kale dalka tayland.. Miiqda Xoolaha: Dhorota Xoolaha, waa miiqleydii ugu horreysay ee aadamigu dharka ka sameysan jiray, gaar ahaan dalalka ku yaal cimilo dhexdhexaad, Nooca dhogorta, xooggeeda iyo dhererkeeda, wuxuu ku xiran yahay nooca idaha laga soo jaray dhogorta laga soo saaro dunida , waxay ka timaadaa qaaradaha koonfurta, waxaana ugu wax soo saar badan dalalka Mangooliya iyo Ostraaliya.

WQ: Dr. Maxamed Isaaq Mursal