MAXAAD KA TAQAAN DALKA BURKIINA FAASO?.

Jumhuuriyadda Burkina Faaso waa dal ay dadkiisu muslimiin u badan yihiin oo ku yaalla galbeedka Afrika, waxayna soohdin la wadaagtaa 6 dal oo kala ah Maali dhinaca waqooyi ka xigta, Neyjar dhanka bari ayay deriska kala tahay, Baniin ayaa waqooyi bari ka jirta, Kongo,iyo Toogo koofur ayay ka xigaan, halka Saaxilul caajna uu koofur galbeed kaga beeganyahay.

dalkan oo ku yaalla saxaraha ballaaran ee galbeedka afrika ayaa ka kooban 13 gobol oo ayaguna u sii qeybsama 45 degmo, waxaana magaalooyinka ugu waaweyn kamida wagadoogo oo ah magaalo-madaxda ama caasimadda, waana mid kamida magaalooyinka ugu ballaaran qaaradda afrika, warshado, ganacsiyo waaweyn, dhul beereed aad u weyn, goobo qurux badan oo dalxiiska ku wanaagsan iyo waxyaabo kale ayayna caan ku tahay  magaaladani.

Buubuud yuulaso waa caasimadda ganacsiga ee dalka, waana magaalada labaad ee ugu wayn burkiina faaso markii laga soo tago caasimadda wagadoogo, waxaana ku nool dad aad u fara badan, kodoogo ayaa iyana ah magaalada 3-aad ee ugu wayn burkiina faaso, waxaana ku yaalla warshado yar yar, jaamacad, iyo xarumo dowladeed.

Afafka ama luuqadaha rasmiga ah dalkan looga hadlo waxaa kamid ah afka loo yaqaanno moor, balse waxaa dhambaalada rasmiga ah lagu qoraa, xaafiisyada dowladdana loo adeegsadaa luuqadda faransiiska oo ay inta badan dadku ku hadlaan ama yaqaanaan, waxaa kaloo ay bulshada qaar gaar ahaan bahda waxbarashadu adeegsadaan af carabiga,lacagta dalkana waxaa lagu magacaabaa faranki, halkii doolarna wuxuu u dhigmaa 584 faranki, taasoo caddaynaysa inay lacagta dalkani tahay coosh aan qeymo badan lahayn.

Dhinaca bedka burkiina faaso waa dalka 75-aad ee adduunka ugu wayn, waxaana baaxaddeeda dhuleed  lagu qayaasaa 274,200 kmr oo laba jibaaran
Sooyaalka dowladnimo markii la eego Burkiina faaso oo hore loo oran jiray bafooltada sare waxay ka tirsanaan jirtay boqortooyadii islaamiga ahayd ee maali ka talin jirtay, ka dibna way ka go’day oo waxay ku biirtay boqortooyo kale oo la oran jiray singi, waxay dadka dalkani samaysteen boqoqortooyo u gaar ah oo lagu magacaabo bafoolta ,waxayna caasimad ka dhigatay magaalo lagu magaacaabo wagaaduugo.

Gumeystihii Faransiiska ayaa dalkan soo galay sanadkii 1896-kii, wuxuuna heshiis la galay boqortooyadii ka talin jirtay, wuxuuna ku daray Senegal ka dibna wuu ka jaray sanadkii 1916-kii oo wuxuu ka dhigtay gobol gaar ah oo uu gumeysto.

Markii ay gumeysigii qaab darada ahaa u adkaysan waayeen waxay muslimiinta burkiina faaso billaabeen halgan gobanimo raadis ah, balse faransiiska oo arrintaa ka falcelinaya ayaa dhulkoodii u kala qeybiyay oo ku kala daray maali iyo saaxilul caaj.

Sanadkii 1947-kii waxay halgameyaashii burkiina faaso ku guulaysteen inay dalkoodii gumeystuhu kala qeybiyay dib u mideeyaan, balse Wali kama hoos bixin heeryadii faransiiska, waxayna madax-bannaanidooda qaateen sanadkii 1960-kii.

Qaab maamulka: dowladda waxaa hugaamiya madaxweynaha oo ay bulshadu 7-dii sanoba hal mar soo doortaan, loomana oggola inuu hal mar ka badan dib isku soo sharraxo, waxay kaloo dadweynuhu soo doortaan sharci-dejiyaal ama baarlamaan tiro ahaan ka kooban 107 xubnood, wuxuuna dalku u kala baxaa 30 ismaamul oo ay dowladda dhexe huggaanka u magacowdo

Ciidanka qalabka sida: burkiina faaso ma ahan dal bad leh sidaa awgeed waxay leedahay ciidan isugu jira kuwa dhulka, kuwa cirka, iyo maleeshiyaad dowladda taageera oo aad u hubaysan, waxaana ciidan dhulka lagu qayaasaa 6 kun illaa 5800 oo askari, halka maleeshiyaadka dowladdu taageertona lagu qayaaso illaa 45 kun oo nin, waxayna ciidanka rasmiga ah ee dalkaasi ku shaqeeyaan tababarro iyo qalab la xariira qaabka militari ee shiinaha iyo midowgii soofiyeed.
Lasoco qeybta xegta.
WQ: Abwaan Hareeri