Maxaabiista Xabsiga Dhexe oo helaya adeegyo muhiim ah

Maxaabiista Xabsiga Dhexe Ex Kontarool MPCC Mogadishu Prison and Court Complex, ayaa helaya Adeegyo Madaalo iyo Akhris

Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Muqdisho. Waxaa loo qorsheeyay garoomo ay ku ciyaaraan, maktabad ay wax kku akhriyaan iyo goobo ay shaashado waaweyn kaga daawadaan ciyaaraha iyo wararka dunida.

Qorshahan ayaa lagu iclaamiyay booqasho uu guddoomiyaha Alpha Trust Daahir Cali Kulmiye iyo wafdi uu hoggaaminayay ku tageen Xabsiga Dhexe ee Ex-Kontarool Adgooye, halkaas oo ay ugu kuur-galayeen sida gudaha xabsiga loogu abuuri karo adeegyo waafaqsan baahida maxaabiista.

Mashruucan ayaa ka kooban goobo jimicsi, akhris iyo la socodka dhacdooyinka caalamka, iyadoo afarta xarumood laga daawan doono ciyaaraha iyo wararka muhiimka ah.

Daahir Ali Kulmiye iyo Taliyaha Xabsiga Dhexe Xasan Cabdi Aadan ” Barkhad” ayaa kormeerka ka dib gudaha xabsiga kula hadlay warbaahinta.

Guddoomiyaha hay’adda Alpha Trust ayaa sheegay in qorshahan loogu talagalay in maxaabiistu helaan fursado wax-ku-ool ah oo ay waqtigooda ku isticmaalaan, taasoo qayb ka noqon karta horumarinta hab-nololeedka gudaha xabsiga.