Maxaabiis ku xiran Xabsiga MPCC oo Tababar loo soo gaba-gabeeyay

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Maanta Tababar u soo xiray qeyb ka mid ah Maxaabiista ku xiran Xabsiga MPCC ee KM7, isagoo isla Goobtaas Tababar ugu furay Cutub kale oo Maxaabiista ka mid ah.

Munaasabaddan oo uu Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed soo qabanqaabiyay ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, Hay’adaha Qaramada Midoobay (UN), Bahda Caddaaladda iyo Ururrada Bulshada Rayidka.