Sidaas awgeed waa muhiim in leys waydiiyo waxa sababa shaqa la’aanta haysata dhallinyarada soomaaliyeed.
qodobada la taaban karo ee sababa shaqo la’anta heysta dhaliyarada.
1. Qorshe laa’anta dawlada iyo haayadaha shaqada.
2. Ka Maqnaanshaha doorka dowladeed ee abuurista fursado shaqo.
3. Fursadaha ganacsig oo yar.
4. shirkado waaweyn oo shaqo abuur sameeya oo aad iyo aad u yar.
5. Heerka wax soosaarka dalka oo aad uhooseye.
6. isku day la’aan shaqo abuur.
7. Maalgashi la’aan shisheeye.
8. Kaalmaha iyo deeqaha calamiga ah oo aan gaadhsiisnayn heerkii loo baahnaa.
9. Musuq-maasuqa iyo caddaaladda darrada.
10. Qaybinta shaqooyinka oo aan loo marin nidaam sax ah.
11. Xaaladaha amniga oo aan fiicnayn meelaha qaar.
12. mulkiilayaasha ganacsiga gaarka ah oo ka fikira dantooda oo keliya.
13. majiro sharciyo udajisan dawlada oo kala saara shaqaalaha iyo looshaqeeyaha
14. heerka aqoonta ee loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha oo aan is dhaamin.
15. Ka maqnaashaha hay’ado tacliin iyo tayo sare leh (tayada waxbarashada oo liidta).
16. Kalsooni la’aan iyo waaya-aragnimo la ‘aan hayasta dhalinyarada jamacadaha soo baxday.
17. Dhalinyarada intooda badani ma malaha xirfadaha shaqada ay
Ubaahanyihiin.
18. Dhalinyaradu badankeedu maaha kuwo leh fikarado shaqo lagu abuuri karo
Waa maxay xalka shaqo la’aantu? :
Tayayn lagu sameeyo waxbarashada dalka oo laga saaro qaabkan ganacsi ee ay noqotay, dibna loo eegaa manaahiijta dalka taala.
Waa in iskuulada manaahiijta ajaanibka ah dalka laga joojiyaa, ama wax laga badalaa, si dhalinta iyo caruurta loo baro dhaqanka dalka iyo dadka.
Waa in la furaa iskuulo Technical ah, oo lagu baranayo aqoon xirfadaysan.
Waa in dhamaan la joojiyaa macalimiinta ajaanibka ah ee dhiga dhamaan qaybaha kala duwan ee heerarka waxbarasho, laguna badalaa macalimiin dalka u dhalatay, garanaysana cilmiga ay dhigayaan, (ileen lama waayine).
Dhalinta waa inay isku taxalujiyaan inay bartaan dadka ajaanibka ah ee dalka joogaa waxay qabtaan nooc kastaba ha ahaatee, kuna dadaala inay ka jibo keenaan waxay bartaan.
In ay dhalintu iska daayaan kibirka, caajiska iyo isla waynida oo ay ka soo bilaabaan xaga hoose iyo shaqooyinka adag, si ay khibrad iyo aqoon u faa’iidaan.
In laga bilaabo dawladu ay joojisaa qaabka foosha xun ee shaqaalaysiinta ku salaysan qabyaalada iyo oday keenka, oo la arkaa dawlada oo imtixaano u qaadaysa boos kasta oo banana ha waynaado ama ha yaraadee. (Caaqil (Jaahil) siduu Aqoonyahan u Hor-galaa!!!)
Waa in dawladu kordhisaa misaaniyada cidhib tirka shaqo la’aanta, dajisaana qorshayaal dhaqaale kordhineed oo lagu abuurayo shaqooyin badan.
Waa in dawladu samaysa muddo kooban oo qofku bilaash ugu shaqaynayo xarumaha dawlada ama ganacsiyada gaarka ah si uga faa’iido khibrad, (Civil Service).
Waa in wasaarada shaqadu diiwaan galin ku samaysaa ajaanibka dalka jooga, oo ay samaysaa kormeerayaal shaqaale, dalkana ka saartaa ajaanibka shaqadooda dhalinta dalka joogtaa qaban karto, sida macalimiinta.
Waa in ganacsadayaashu maal-gashi u sameeyaan dhalinta kuwaasoo amaahinaya lacag ay ku bilaabaan ganacsiyo gaar ah oo yar yar.
Waxa aan kula talinayaa dhamaan dhalinta aan wali shaqo helin, waxbarashadu ma dhamaato, sidoo kalena shaqadu ma dhamaato, ee qofka ayaa dhamaada, waa in aanad joojin waxbarashada oo aad wax u akhrisataan, nooc kastaba ha ahaadee, iskuna daydaa inaad ku shaqayso lacag la’aan bilawga si aad u fahanto nooca shaqada iyo deegaanka ku xeeran.
Sidoo kale waa inaad ka shaqaysaan arrimaha bulshada ee baahida badani inoo hayso, lana soo celiyaa ururadii dhalinyarada ee ku shaqayn jiray lacag la’aanta iyo niyad wanaaga.
Hadii dawlada iyo ganacsatada dalka joogtaa ay eegtaan sanad kasta dhalinta faraha badan ee soo qalin jabinaysa, ee aan loo hayn shaqooyin, dalkeena waxa ka dhici doona kacdoon dhalinyaro shaqo raadis ah, sidaa aawadeed waa in immikaba dawlada, ganacsatada, iyo aqoonyahanadu masuuliyad iska saaraan dhalintan shaqo la’aantu hayso.
Qofina qof kale kama nasiib badna ee wuu ka diyaar garaw fiican yahay, markay fursadu timaadona waxa soo if baxa diyaar garawgiisii iyo dadaalkiisii ka dibna wuu ka faa’iidaystaa.
WQ: Cabdisalaan sidiiq