MAXAA NOOGA LUMAY ISTICMAALKA INTERNET-KA

Ma yara howlaha aan la kulanay markii aan qabatinay isticmaalka internet-ka kadib kaas oo ah aalad ku soo biirtay caalamka wax badanna saameyn ku yeelatay dhaqanka dadka iyo nolosha.

Wuxuu na ilowsiiyey waayo aragnimadii muuqatay ee la taaban karay iyo macnihii ay lahaayeen buugaagta qoran , waraaqihii gacanta la isugu qori jiray iyo kulankii tooska ahaa ee dadka dhex mari jiray.

Wuxuu interetku yareeyey baraarugsanaantii iyo sidii dhabta aheyd ee dadku u fekeri jireen wuxuuna keenay in wixii la arkaba lagu yaaco oo aan laga fiirsan taas oo yareysay in dib loo yara fekero isla markaana si qoto dheer wax loo baaro.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray sirihii shaqsiga ahaa wax walbana waxaa la soo dhisay baraha bulshada waxaana meesha ka baxay ururintii hoose ee macluumaadka waxaana la kala garan waayey wixii bannaanka yaalay iyo wixii shaqsigu lahaa.

Internet-ka waxaa ka abuurmay mashquul  iyo jahawareer maskaxeed waxaana mararka qaar laga dhaxlaa werwer iyo waqti lumis aad u badan

Intarnetka wuxuu na seejiyey waxbarashadii macnaha laheyd iyp wax baaristii rasmiga aheyd wuxuuna dadka ku soo koobay baarista wax walba laga raadiyo Google-ka,

Tan ayaa keentay in aan la raacin hababkii rasmiga ahaa ee cilmi baarista iyo ka fekerka madaxa bannaan ee aqoonta.

Mararka qaar ku tiirsanaanta online-ka waxay keentaa qofka oo aan isku dayin in uu wax baaro laakiin wax walba ku tiiriya baarista internet-ka, taas oo yareysa awoodda xasuusta  iyo keydinta xogta.

Internet-ku sidoo kale wuxuu saameeyey dhaqanka iyo asluubta waxaana ku weynay dhaqamo wanaagsanaa ooh ore u jiray iyadoo ay soo bateen dhaqamada aan hore loo aqoon e laga dhaahday dhaqamada kale siiba kuwa dhowaan galka ah.

Internet[ka waxaa la socda aalado wada xiriir oo sidoo kale lagu faafiyo xumaan yo samaan kuwaas oo lagu waayey cudud hore u shaqeyn jirtay laakiin haatan isku tiirisay lacagaha laga helo daawashada taas oo yareysay in dadku shaqo tagaan oo muruqooda isku tiiriyaan.

Raadistaa daawashada waxay lumisay qiyamkii wanaagsanaa waxaana soo baxay ku faanidda qaawanaanta iyo waxyaabo kale oo aan anshax aheyn.

Waxaa kale oo ka dhashay internet-ka isku xujeynta sawiro qaldan oo si qaldan la isaga qaado ka dibna la isku xujeeyo taas bulsho badan iska hor keentay reero badan ayaana sidaas isku waayey.

WQ: Maxamed Shiil Xasan