Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay yeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ahaa kaa goordhaw ka furmayo Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay ku wargeliyay Xildhibaannada in uu Maanta jiro Kulanka Golaha Shacabka, isla markaana ajandayaasha Maanta kulanka ay yihiin:.

  1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka
  2. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Korantada

Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa la filayaa in kulanka maanta ku ansixiyaan Hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Korantada oo maalmihii la soo dhaafay xilidhibaanadu dood adag ka yeesheen.