Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Lagu wadaa in Maanta xarunta Villa Hargeysa ay ku yeeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka, isla markaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay yihiin

  1. Dhaarinta Xildhibaanka Cusub ee Xasan Hurre Ugaas , kaas oo dhawaan ku guuleystay kursiga HOP#203 oo doorashadiisa ka dhacday Magaalada Kismaayo.
  2. Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta
  3. Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka
  4. Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Ladagaalanka Argagixisada
  5. Qeybinta Warbixinada Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedyada kala ah
  6. A) Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha
  7. B) Socdaalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaala sharciya dhowr ah oo ay soo ansixiyeen Golaha wasiirada loogana fadhiyo in ay meel mariyan,sabtidii dhaweyd ayay ahayd markii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ansixiyeen Hindise sharciyeedyada kala ah Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Hindise sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka dhulka hoostiisa