Guud ahaan gayiga Soomaaliyeed waxaa ka socda xaaalufinta dhirta taas oo inta badan laga shito dhuxul.
Ka ganacsiga dhuxusha waxaa ku nool kumanaan qof oo Soomaali ah kuwaasi oo ka ganacsada dhuxusha kuna maareeyo noloshooda maalin laha ah.
Balse taa badalkeeda ka ganacsiga dhuxusha waxa ay dhibaato weyn u keentay deegaanka, jaridda Dhuxusha waxa ay deegaanada Soomaalida u keentay xaalufin.
Xaalufinta dhirta waxey keeneysaa ama keentay abaaro joogto ah oo soo laa laabto sabab too ah dhirtii xiliga jilaalka ay daaqi lahaayeen xoolaha waa la xaalufiyey oo waxaa laga jaray dhuxul waxeyna sabab u noqotay in ay soo noqnoqto abaarta,dhirta waxey u baahan tahay badbaado waayoo dhir hadeysan jirin jiri maayo dhal.
Dhuxusha laga jara Somaaliya ayaa si qarsoodi ah loo dhoofiyaa iyadoo dadka qaar ay ku eedeeyeen ciidamada kenya ee qeybta ka ah howl galka midowga Africa ee Amisome in si qar soodi ah dhuxul uga dhoofiyaan dakadda magaalada kismaayo.
Deegaanada qaar ee Soomaaliya waxaa ka nabaad guuray duur joogtii waxa ugu horeeyo oo sababay waxaa ka mid ah xaalufinta dhirta iyo dagaaladii sokeeya ee ka dhacay dalka , Soomaaliya waxaa laga heli jiray duur joogta nuucyadooda kala duwan maantana xitaa shibirihii ayaa ka nabaad guuray.
Mar haddii ay sii socota xaalufinta dhirta side lagu joojin karaa oo looga hortagi karaa xaalufinta dhirta?
1 waxa looga hor tagi karaa in dadka jaraayo dhuxusha in loo sameeyo wacyo galin iyo in loo sharxo dhibaatada ka dhalan karto jaridda dhuxusha, wacyi galinta markasto waa muhiim.
2 Dhowladda in ay ka soo saarto sharci jaridda dhuxusha, sharci gaasoo cadeynaayo cid kasto oo sharci la’aan jarta dhuxusha ciqaabta ay muteysaneyso, maxaa yeelay sharcigu waxuu xadidayaa ama yareyna yaa xaalufinta dhirta.
3 In ay dowladda ay ku saarto guddi dabagalo oo lasocodo dhaqan galka sharciga iyo ka soo warbixinta arimaha xaalufinta dhirta.
4 dadka deegaanka oo is xilqaamo iyaduna waxey wax weyn ka tari kartaa ka hortagga ama joojinta xaalufinta dhirta.
Rxuux kast oo Soomaali ah oo dagan gudaha dalka waxa ay mas’uuliyad ka saarantahay ka hortagga ama joojinta xaalufinta dhirta.
Quruxda dalkeena sharaf ayeey inoo tahay dhamaateen cid gooni ah sharaf uma aha ee soomaali oo dhan ayey sharaf u tahay.
Dowladana waxaa looga fadgiyaa in sharci cad ay ka soo saarto xaalufinta ama jaridda dhirta taasi oo dhibaato weyn ku heyso deegaanka.
W/Q: Cumar Maxamed Cumar.