MAXAA LOO BAAHAN YAHAY HADDII UU SOO LABA KACLEEYAY XANUUNKII COVIED 19?

Marka loo kuur-galo Xogta xannuunkan soo laba kacleynta Covid 19 waxaa mihiim ah in aan wax badan ka ogaano  Xanuunka Dunida aafeeyay aadkana ugu faafay ee Covid-19.

Cudurkan ayaa u muuqda inuu dib ugu soo laba-kacleeyay Soomaaliya.

Sida la caddeeya ama leysku raacay ayaa ah in Cudurkani yahay dilaa aan u kala eexan dadka uu dilayo min madax ilaa majo.

Iyadoo kol hore uu soo maray dalka ayaa haddana mar kale uu dalka soo gaaray isagii oo waji kale leh, kana khatar iyo shar badan.

Waxaana la sheegaa in aan cudurkani weli loo helin daawadii ku habooneyd balse la soo saaray talaallo kala duwan.

Balse xalka ugu fiican uu yahay ka hortagga marka hore, sida caanka ah loo baahiyay ee face maska ama waji xirka, gacmo gashiga iyo gacmaha oo layska meyro.

Shacabkeenna soomaaliyeed badankii kuma baraarugsana khatarta cudurka uu leeyahay, taa darted waxaa uu si lama filaan ah ugu baahayaa dhammaan gobollada dalka iyadoo aan waxba laga ogeyn dadka uu ku wax yeeleynayo miyiga fog.

Sida aan ka warqabno Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa hadda ka hor waxay sheegtay inuu Viruskan xakameyntiisuna u baahan tahay juhdi aad u fara badan
haddaba Caawinta iyo ka hortagga faafidda cudurrada neef mareenka ee sida COVID-19.

Waxaa waajib ah in Muwaadin kasta oo Soomaali ah in ay Mas’uuliyad ka saran tahay inuu raaco tilmaamaha ay bixinayaan khubarrada Caafimaadka dalka sida in wajiga la daboosho marka aad dadka la joogto, in aadan ku qufacin kuna hindhisyooninin dadka, in dukaamada iyo dhammaan ganacsatadu raacaan amarrada ay soo rogeen maamulka gobolka banaadir iyo wasaaradda caafimaadka dalka.

Maaskarada ayaa kaa caawinaysa adiga iyo dadka aad ka ag dhowdahayba in aadan si fudud ku qaadina cudurka waa haddii aad si waafi ah u raacdaan talada iyo tusaalooyinka caafimaad ee ku wajahan cudurkan in badan aafeeyay dunidan aynu ku noolnahay.

Ku celcelinta talooyinka caafimaad waxay kaa saacidayaan in aad ka dheeraato dhammaan wixii khatar kuu keeni kara

Waxaa badiyaa la sheegaa in Dadka da’doodu ka weyn tahay 60 jir iyo sidoo kale dadka qaba xaalad caafimaad oo daba dheeraatay da ‘kasta ha lahaadeene inay halis ugu jiraan dhimashada cudurka loo yaqaan’ Corona virus ‘noociisan cusub laakiin ilaahey ma dhihin waxaase nagu waajib ah in aan raacno dhammaan wixii tilmaamaya ka hortagga shacabkuna waa inay arrintaa si weyn u tixgeliyaan/

Waxaan ku soo gaabsanayaa Walaal Muwaadin Joog Gurigaaga oo ku ekaaw Xeradaada si aad uga badbaaddo ilaah baa wax badbaadiyee Cudurkan foosha xun ee lagu ibtileeyay bini’aadamka waana iska imtixaan ka mid ah imtixaannada adduunka soo mara , hana isticmaalin daawo aan takhtar kuu qorin si kastaba arrintu ha ahaatee

Muwaadin Fadlan Raac tilmaamaha oo Joog Gurigaada.

W/Q: Osman Dhiblaawe