MAXAA KU DHACAY BAAL WEYNTII SOOMAALIYEED (SHILINKII SOOMAALIGA)

Shilinka Soomaaliga waxa lagu dhawaaqay ama la hirgaliyay sanadkii 1921- dii xilligaasi oo gumeystihii Ingiriisku uu meel mariyay gaar ahaan gobolada Waqooyi uu ka talinayay, laakiin si rasmi ah waxaa loo qarameeyey 15-kii Bishii December 1962-dii.

Xilligaasi Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxa uu daabacay lacag xaanshi ah ( warqad ah) oo ka kooban 5 shilin, 10 shilin, 20 shilin iyo 100 shilin.

Isbadalkii labaad waxaa shilin Soomaaliga lagu sameeyey 1975-tii iyo 1979-kii xiligaasi oo mar kale dib loo soo daabacay ama loo cusbooneysiiyey lacagtii hore.

Balse sanadkii 1983-dii ayaa la daabacay 50 shilin oo warqad ah ama (xaanshi ah,) iyada oo 1989-kiina la daabacay 500 shilin markii ugu horeysey.

Sanadkii 1990-kii ayaa la daabacay lacagta kunka shilin ee soomaaliga isku taala ama halka warqad ah waxayna noqotey tirsigii ugu badnaa ee shilinka soomaaliga ah ee la soo daaboco taariikhda.

Tan iyo burburkii dowladii dhexe, Bangiga dhexe ee soomaaliya ma uusan soo saarin wax lacag cusub oo shilin soomaali ah,wixii ka dambeeyay xiligasi lacagtii shilinka soomaaliga ahaa si ayar aayar ah ayuu suuqa uga baxayay.

Sanadkii 2000 waxaa dibadda lagu soo sameeyay ama lagu soo daabacay lacag shilin soomaali oo cusub oo ka kooban 1000 shilin iyo 500,waxaana meesha ka baxay lacagihii shilinka, 20, 50 iyo 100,in kastoo qaar ka mid ah gobolada qaarkood ay wali isticmalaan lacagahaasi,balse laga joojiyay 2011-dii. 500-tii boqol ee shilinka soomaliga ahayd ayaa la joojiyay isticlaamkeeda wixii ka dambeeyay 2001-ilaa 2002,waxaa kasoo haray shilinkii soomaaliga ahaa isticmaalkiisa 1000-ka shilin oo kaligiisa ah.

Sharci ahaanshaha Lacagta 1000 kun shilin ayaa iyaduna dood ka taagan madaama uusan soo saarin lacagtaasi qaarkeed bangiga dhexe ee dalka, waayo waxaa jiray lacag fara badan oo been abuur ah oo ku milmay lacagtii 1000 ahayd, in kastoo hadana la isticlaamo oo aan wax doodi ah dadku aysan ka qabin,inkastoo gobollada qaar laga diido qadashada kunka shilin qaarkiis ee lagu daabaco ama lagu farsameeyo gudaha dalka.

Saamaynta ganaacsiga iyo ku tiirsanaanta lacagta Doolarka Mareykanka ayaa ah hadal haynta ugu badani ay tahay marka la soo hadal qaado shilin soomaaliga Qadka ka baxay ee uu ka nool yahay Kunka shilin ee tacbaanka ah.

Isbedelka sarifka lacagaha qalaad iyo qiimaha Ascaarta kala duwan ee suuqyada dalka waxaa saldhig u ah Doolar Mareykanka($USD) ,iyadoo mararka qaar ay sababtay Sicir Barabar iyo sare u kac dhinaca maciishadda.

Dadka bartay Cilmiga dhaqaalaha ayaa walwal ka muujinaya Dabar Go’a ku dhacay shilinka soomaaliga (Somali currency) iyo isticmaalka lacagta Doolar oo miyi iyo magaalaba ku tiirsan noloshooda.

Mushaaradka la siiyo shaqaalaha hay’adaha Dowliga ah iyo kuwa an Dowliga ahayn waa Doolar,waxbarshada laga soo bilaabo Dugsiyada ilaa iyo heer Jaamacadeed fiiga ama lacagta Bisha waxaa lagu bixiyaa Doolar, Adeegga asaasiga ah sida Biyaha,Korontada,Kirada Guryahay,waxaa la mid Goobaha caafimaadka waa Doolar,wax kasta waa Doolar, Markay intaasi joogto waxaa la is waydiin, soomaaliya ma gobol ka mid ah baa dalka Mareykanka? mise waa dal ku yaala Geeska Afrika oo Doolar lagu qasbay iney ku bedeshaan Lacagtooda shilinka ahayd, mise iyagaa doortay?.

Dowladihii soo maray dalka wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe,waxaa jiro hadal hayn iyo heshiis ku saabsan soo daabacidda shilin soomaali balse ilaa iyo hadda lama haayo,wax ka soo naasacaddaaday, iyadoo dad badani ay isu sheegayaan in isticmalka lacagta Doolarka Mareykanka ay meesha saartay baahida shilinka soomaaliga ah.

Haddaba maxaa hortaagan in la helo lacag shilin soomaali ah oo baddesha kunka shilin ee hadda la isticmaallo oo an wax sarif iyo lacago jabjab ah toona lahayn?.

WD:Dalka Journal