Haddaba waxaynu kuu heynaa saddex siyaabood uu Ku yimaado cajiska iyo Sida looga gudbi Karo.
Balse intaas Ka hor caajiska weynu wada qabnaa ama dareennaa inta badan waana dilaa oo aanan la ogeyn waliba kaa reebo waxa ay sameeyaan dadka Kula midka ah, kuguna sababo inaad dib u dhac sameyso ama maanta oo dhan aad sariirta iska dul saarnaato.
Waxayaabaha ugu waa weyn ee caajiska sababaa loogana gudbi karaa waxaynu kusoo koobeynaa seddexdaan qodob.
1: Tallaabada ugu horreysa ee looga gudbo caajiska waa inaad ka baxdo waddada aad hada Ku jirto . Masawirro hadafyadaada oo qor, Xooggana saar meesha aad rabto inaad ahaato hal sano kadib. Jooji hal Ku dhigga ah waxa “ay ahayd in ay ahaato” oo diiradda saar waxa “noqon kara”. Si aad u bilawdo mashiinkaaga, u daawato muuqaalo dhiirigelin leh isla markaana dhegeysato sheekooyinka guusha Ka hadlo .
Ka fakar maanta inaad biloow cusub u tahay fursadaha aan xadidnayn, Haddii guushaada ku cabbirto(umaleyso) inaad si toos ah u qaddarinayso dhammaan koorsooyinkaaga, muuji oo biloow qorshaynta, Qorsheynta yoolalkaaga waxay kaloo ubaahantahay wakhti go’aan iyo natiijooyin la qiyaasi karo.
2: Ku dedaal inaad jirkaga Ku sameyso dhaqdhaqaaq ( Body Exercise/movement ).
Mar haddii kala-baxyada la nadiifiyo(la dhaq dhaqajiyo), waxaa la joogaa wakhtigii lagu dhufan lahaa ceel buuxa(wakhtigii guusha).
Talaabadan muhiimka ah waa halka ay is edbintu ka timaaddo.
DIGNIIN:
waa mid aan raaxo lahayn, daal badan, mararka qaarkoodna xitaa xanuun leh, Laakiin mustaqbalka fog, edbintu waa waxa kuu keena guusha.
Ku biloow nafsadada inaad ku tiraahdid maya, raaxooyinka ku meel gaarka ah Sida: Facebook-ga marka ay tahay inaad wax barato/qabato, inaad Ka fogaato saaxiibada kaa soo wacaya WhatsApp, Imo ama wicitaanka caadiga ah, iska fogee mobilkaga codkane Ka jar(silent saar) inta aad Ku guda jirto howl maalmedkaga, sidoo kale Ka fogoow sariirta dusheeda inaad wax Ku dul akhriso ama qorshe(plan) Ku dul sameyso, haku fakarin inaad dhahdo Bari ayaan qabanayaa ama saacad Ka dib howl hadda kuu taalo.
Naftaada u diid raaxo daqiiqad ah si’aad u hanato guushada mustaqbalka.
Marka lagu daro maya raaxeysiga ku meel gaarka ah, waxaan sidoo kale ku dedaalnaa inaan abuurno caadooyin wanaagsan. Samee akhrinta ballaaran oo ku saabsan caadooyinka dadka guuleysta. Akhriso taariikh nololeedkii dadkii caanka ahaa iyo dhacdooyinkii taariikhiga ahaa.
Nasasho fiican qaado/seexo habeenkii, oo bilaaw subax walba inaad sameysato ama cunto quraac isku dheeli-tiran.
Soo bandhig jadwalkaaga oo noqo mid si ula kac ah uga hadla, Si kasta oo suurtagal ah Ku dhex samey jadawalkaga wakhtiyadda aad qorshe gareysatay ulana soco daqiiqad daqiiqad.
Xakamaynta shucuurtaada. Inta aad yartahay, dareenkaaga kacsan ayaa sii badanaya. Maaddaama caajisnimada iyo shucuurtu ay isku xiran yihiin, waa inaan hubinnaa in shucuurteennu aysan ahayn qodobbada go’aaminaya ficilkeenna.
Ha iska dhigin(iloowin) howlaha maalinlaha ah maxaa yeelay “ma dareemaysid inaad sameyso”. Xusuusnow in markii socodku adkaado, Ruuxa adag uu socdo.
Waxay sidoo kale si weyn u caawineysaa in si caqli leh loo shaqeeyo. Ku shaqeynta caqli macnaheedu waa hal-abuur ku saabsan sida loo maareeyo wakhtigaaga arday ahaan ama shakhsiyadeed.
3: Hubso inaad dib u eegis ku sameyso xilliyadii ku soo maray.
Markaad horay u socoto, had iyo jeer way fiicantahay inaad dib u jaleecdo waagii hore. Tallaabo kasta oo yar oo aad qaaddo si aad ula dagaallanto caajisnimada, dib u jaleec oo arag inta aad ku soo gaadhay. Markuu wakhtiga sii socdo, waxaad dib u milicsan doontaa wax kasta oo aad ku guuleysatay, adoo la dagaallamaya caajiskaas iyo sameynta horumar macaan.
Kaliya tani ma dhisi doonto kalsoonida, waxay sidoo kale kuu wadi doontaa inaad ku guuleysato arday sharaf leh ama qof wanaagsan. Is baaritaanka(is hubintaa) kadib, waxaa muhiim ah inaad naftaada ugu abaalguddo si waafaqsan.