MAXAA HORTAAGAN IN LAGA HORTAGO GUBASHADA SUUQYADA SALDHIGGA U AH DHAQAALAHA SOOMAALIDA

Gawaarida ama baabuurta dabdamiska  iyo kuwa ambalaasta loo yaqaan waa kuwa u diyaarsan badbaadinta nafta iyo hantida dalka, qaranka iyo ummadda somaaliyeed waxay dowladda xaq ugu leeyihiin inay ilaaliso ammaankooda iyo horumarkooda siisana waddo ay maraan .

Sidaa daraadeed, waxaa mar kasta loo baahan yahay  in loo diyaar garoobo inta dhibku soo gaarin dadka ka hor loo diyaariyo meeshii ay mari laheeyeen baabuurta dab damisku gurmadka ah waayo dabku waa cadow si dhaqso ah wax u baabi’ya,  laakiin haddii gurmadka biyaha sida ay waayaan waddo eed malaha gurmadka dabdamiska

Marka hore waxaa loo bahan yahay in la helo balaan ama istraatiijiyad ku aaddan dhismaha suuqa iyo waddooyinka soo gala sidoo kale, la taliyeyaal waaya arag ah oo la shaqeeya duqa magaalda  oo mar waliba kala taliya howsha baaxadda leh eek u aaddan arrimaha suuqyada iyo badqabkooda , Xoojinta amniga guud ee casimadda.

Magaaladaan waa mid sii ballaaraneysa marba marka ka dambeysa waa mid u baahan odoyaal soo shakheeyey oo waayo arag ku ah isla markaana dhul yaqaan ah, waddani ah ka dhisan xagga arrimaha bulshada.

Waxaa u baahan in wax badan laga fikiro Mar kasta  oo dab ka kaco gabolka banaadir iyo hareerahiisa  waxaa dhaca  qasaaro aad u ballaaran  ooh anti burbur ah.

Haddaba, soow ma habboona in laga tashado oo laga tababusheysto inta aysan dhicin amuurta gubashada suuqyada gobolka banaadir iyo balaanka lagu saleynayo ka hortag haddii ay dhacdana ka daba tag si khasaaruhu u sii ballaaran.

Ayadoo soomaalida oo dhan ay waajib ku tahay inay ka fikiraan su’aasha ah YAA GUBAYA SUUQYADA SOOMAALIDA EE JOOGTADA NOQDAY? Haddaad fiiriso arrintaan mararka qaar waxaad dareemeysaa in ay jiraan dad qandaraas ku qaba in ay gubaan suuqyada soomaalida si dhaqaalaha soomaaliya uusan kor ugu kicin wayna noqon kartaa arrimo shisheeye ka dambeeyo waxaa habboon inaan u fikirno dhan walba.

Hadda kuwii ugu dambeeyay waa xamar weyne iyo wajeer yaa kusoo xigi doona waa in ay is ilaaliyaan suuqyada soo kobcaya ee gobollada dalka guud ahaan, waayo gacantan wax gubeysa ee weliba habeenkii keliya gubeysa si aan waxba looga gaarin waa arrin aan sahlaneyn oo u baahan in soomaalida ay si weyn uga fikiraan cadowgaan kala dagaalaya dhanka dhaqaalaha.

Maamulka gobolka banaadir waxaa u wanaagsan in ay la xisaabtamaan guddoomiyeyaasha degmooyinka kulana xisaabtamaan wax qabadkooda iyo sida ay uga warqabaan suuqyada ku yaalla degmada iyo mas’uuliyadda ka saaran degmada ay madaxda ka yihiin waa arrin talo naga ah oo keliya waayo iyagaa loo edmaday amaanka iyo badqabka degmada.

guud ahaan gubashada suuqyada soomaalida maahan wax hadda soo billaawday ee wax muddo dheer soo socday, wax walbana waa in lahaadaan dhammaad waa in loo tabaabusheystaa sidii loo soo qaban lahaa kuwa shaqada ka dhigtay inay dilaan dhaqaalaha soomaaliya haddey ahaan lahayd argagixiso ama qandaraas ka dibadda laga soo qaatayba.

Waxaam rakeynayaa in laga dabategi karo haddii loo soo jeesto suuqyadana ammaankooda xoogga la saaro siiba habeenkii loona sameeyo dad lagula xisaabtamo ilaalinta hantida suuqa taalla.

Waan rajeynayaa in dowladdeyda iyo gobolkuba ku baraarugaan howsha socota iyo baaxadda ay leedahay.

WQ: C/salaam Axmed Gabayre