dood cilmiyeed ku saabsan waxa hortaagan in ay xoogeysato dowladnimada Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in lagu qabto Magaalada Muqdisho,gaar ahaan xarunta Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga iyo Istiraatiijiyadda .
Dood ciliyeedkaan oo ay ka qeybgalayuaan wasiirro,xildhibaanno,aqoonyahanno ka socda Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga iyo Istiraatiijiyadda (HISS) waxaa looga hadlayaa sababaha hortaagan in la helo dowlad sal adag,dhibaatooyinka jira iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo wax kasta oo caqabad ku ah dowladnimada Soomaaliya.
Dood cilmiyeedka maanta ka qabsoomaya Magaalada Muqdisho waxaa marti ku ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

