Cafiska waa arrin qiimo badan oo mudnaantiisa leh..waana arrin muhiim marka loo eego waxa dadka ka dhex dhaca.
Bini’aadamka ayaa sidiisaba u sameysan khilaaf iyo in uu isku dhaco ..waxaa la yiraahdaa taas ka sokow “xitaa carrab iyo ilko waa is qoomaan”.
Kuwa dadka isugu dhow oo ah nin iyo xaaskiis waa is qoomaan, waxayse u baahan yihiin heshiis iyo iscafis. Ka waran ummad dhan oo is qoontay , is dishay oo aan waxba isu reebin.
Ma xuma in is cafin iyo dib u heshiisiin loo dalbo dhexdoodana laga baadi goobo hese yeeshee sow ma aheyn in hanta gunta laga soo tolo oo la raadiyo gunta iyo asaaska wixii dhacay iyo waxa ka dambeeya.
Cafis aan sida kii K/Afrika hoosta laga soo xalin ma ka suurta gali karaa dal sida Soomaaliya 26 sano ka badan la isku tacadinayey welina uu tacadigii socdo oo aan sinaba loo xalin.
Soomalida ma ah sida dadka reer Rwanda mana aha dad qalbi furan waxaadna ka garan kartaa arrin yar oo dhacday ayaa labo reer isu heynayaan labaaatameeyo sano oo haddii wax kale ka dhex dhacaan isu soo qaadayaan iyadoo la leeyahay “Berigii..deyrtii xilligaa aheyd ….” Taas oo lama ilaabaan ka dhigeysa wixi dhacay.
Utun walba waxay ka dhigayaan Soomaalida mid taagan oo calool xumada kama tanaasulaan..waana midda iscafis ay sameyaan ka dhigeysa wax adag.
Qofka wax cafiya waxay u arkaan qof jilicsan oo liita laakiin taas bedelkeeda qofka wax cafin kara waa qof adag oo dhiirranaan leh.
Geesinimadu ma aha is adkeyn aan waxba soo kordhineyn laakiin in aan wax cafin karto oo qofkii aabahaa dilay saxan wax kula cuni karto.
Intee boqolkiiba Soomaalida geesinimaadaas leh..runtii aad bey u yar tahay …Mujtamaca Soomaalidana geesiyaal noocaas ah in laga helo waa aarin dhif ah.
Waa wax loo baahan yahay in Soomaalidu barato isna barto cafiska iyo dib u heshiisiinta …
Weli nolosha Soomaalida kuma dhex arkin hadal heyn cafis in la is cafiyo marka laga reebo maalmo dhow laakiin hadalheynta arrintaa ma yeelan saameyn badan in kastoo warbaahinta soo hadal qaaday .
Weli waxaa muuqata in biseyl aanu jirin oo weli gowshaha la isku riiqayo ..dibna loo eegeynin wixii laga dhaxlay waran waran ku taag iyo in xuquuqo badan oo dad lahaayeen laga tallaabsado , la duudsiyo , tacadiga la galayna aan la qiran.
WQ: Maxamed Shiil