Mas’uuliyiinta xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo su’aalo isla-xisaabtan la weydiiyay

Xubnaha Guddiyada Maaliyadda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee la xiriira kor-joogteynta, isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maaliyadeed ee hay’adaha dowladda, ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiin ka socday Xafiiska Hantidhowrka Qaranka, oo uu hoggaaminayay Hantidhowraha Guud, Mudane Axmed Ciise Guutaale.

Kulanka oo ay si wadajir ah u shir-guddoominayeen Guddoomiye Ku-xigeennada Guddiyada Maaliyadda ee labada Aqal, Senator Ibraahim Awgaab Cismaan iyo Xildhibaan Maxamed Haaruun, ayaa diiradda lagu saaray warbixin la xiriirta hannaanka xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025-ka iyo habraacyada hantidhowr ee lagu sameeyay hay’adaha dowladda, gaar ahaan hubinta saxnaanta kharashaadka, isticmaalka hantida dowladda iyo xaqiijinta isla-xisaabtanka maaliyadeed.

Intii uu kulanku socday, xubnaha Guddiyada Maaliyaddu waxay Hantidhowrka Guud ee Qaranka ka dhageysteen warbixin faah-faahsan oo ku saabsan shaqooyinka hantidhowr ee la qabtay, caqabadaha jira iyo dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo su’aalo kala oo la xiriiray hannaanka hantidhowr, kuwaas oo ay mas’uuliyiintu si faahfaahsan uga jawaabeen.