Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Agaasimihii hore ee Wakaaladda SONNA iyo WARGEYSKA DALKA

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo ehelladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Agaasimihii hore ee Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee Sonna iyo Wargeyska dalka Marxuum Maxamed Isaaq Mursal oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Marxuum Mursal waxa uu muddo dheer ka mid ahaa hawl wadeennada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya isaga oo xilal kala duwanna kasoo qabtay waxaana uu waqti badan ahaa Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Qoraal ay daabacday wasaaradda ayaa lagu yiri: “Waxan Allaah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumka, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii uu ka tageyna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin”

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN