Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir oo Isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii khawaarijtu ku qaaday dowladda Hoose

Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ciise Guure oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka G/Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa booqday dhaawacyadii dadkii ku dhaawacamay weerarkii naf la caarriga ahaa ee khawaarijtu ku qaaday xarunta dowladda Hoose ee xamar.

Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta kale ayaa mid mid udul istaagay bukaanada ku jira isbitaalka, iyagoo warbixinno ka dhageysatay maamulka iyo dhaqatiirta isbitaalka Ex Digfeer oo la dhigay inta badan dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi,waxa ayna madaxdu u rajeyeen in si deg deg Eebbe caafimaad u siiyo dowladduna ay la garab taagan tahay wixii daryeel caafimaad ah.

Shalay ayay ahay markii khawaarijtu weerar fashilmay  ku qaadeen xarunta Aqalka dowladda Hoose halkaa oo ay ciidamada dowladd kaga hortageen dhibatooyin argagixasadu  la damacasnad dadka shacabka ah, kuwaas oo ugu dambeyntii ciidamadu ay soo afjareen dhammaantoodana halkaa lagu dilay.