Mas’uuliyiinta Ciidanka Boliiska oo Muqdisho ku yeeshay kulan la xiriiray amniga dalka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir looga hadlay amniga la qaatay Hogaanada, Taliyaasha Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan ee Ciidanka Booliska.

Kulankaasi oo lagu dhageystay warbixinno ka hadlaya amniga  dalka,waxaa la is-tusay in dardar horleh la galiyo dadaalada lau xoojinaayo soo celinta nabadda iyo xasilinta dalka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa saraakiisha amniga faray dhaqan gelinta qorshaha horumarinta Amniga,,isagoo ku baaqay in laga hortago falalka guracan ee kooxaha Khawaariijta ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.