Mas’uuliyiin katirsan Galmudug oo gaaray Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka howlaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Dhiblaawe oo ay wehliyaan maamulka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa saakay gaaray goobihii uu shalay ka dhacay dagaalkii lagu jabiyay Khawaarijta.

Masuuliyiinta ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tegay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee shalay fashiliyay dhagartii ay khawaarijtu la damacsaneyd shacabka degmada Ceeldheer, iyagoo ku amaanay sida naf hurnimada leh oo ay dalkooda iyo dadkooda uga difaacayaan cadowga Khawaarijta ah.