Masuuliyiin katirsan dowladda oo Muqdisho kusoo dhaweeyay Ciyaaryahanada xulka 17 jirada Soomaaliya

Waxaa Maanta garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho siweyn loogu soo dhaweeyay Ciyaartooyda xulka Kubbadda Cagta ee 17 jirada Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan kusoo guuleystay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika kadib markii xulka Qaranka Koonfurta Suudaan ay kaga adkaadeen 3-1.

Wasiiro,Xildhibaano katirsan labada Golle ee dowladda Soomaaliya, Bahda Ciyaaraha Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada gobolka Banaadir ayaa si ballaaran Garoonka Aadan-Cadde ugu soo dhaweeyay ciyaartooyda.

Intaasi kadib ciyartooyada ayaa loo geeyay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax kale oo katirsan dowladda, iyaga oo ugu hambaleeyay guusha ay gaareen iyo Magaca ay u soo hooyeen Ummadda Soomaaliyeed.