Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka ee BJFS Maxamed Mursal oo si adag uga hadlay weerarkii xalay Khawaarijtu ku beegsatay shacabkii ku sugnaa xeebta Liido ayaa sheegay in ficilkaas foosha xun uu dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ku sii dhiirigelinayo inay cadowga Khawaarijta ah deg deg u ciribtiraan.
Guddoomiye Mursal oo tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi arxan darrada ah ee khawaarijtu ku beegsatay dadka shacabka ah ayaa yiri “Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido, waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geeddi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi arxan darrada ahaa, isaga oo Alle uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo intii ku dhaawacmay weerarkii bahalnimada ahaa ee Khawaarijtu ka gaysteen Xeebta liido.
Mudane Cali Maxamed Geeddi ayaa Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si deg deg uga jawaabaan weerarkii bahalnimada ahaa ee Khawaarijtu ka gaysteen Xeebta liido, asaga oo xusay in Khawaarijtu doonayso in weerarada nuucaan oo kale ah ay ku argagax galiyaan shacabka Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiinta sida adag ugu hadlay weerarkii bahalnimada ahaa waxaa kamid ah guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo sheegay in khawaarijta markii looga itaal roonaaday goobaha dagaalka ay doonayaan inay gummaadaan shacabka aan waxba galabsan. “Xalka wuxuu ku jiraa oo kaliya inaan u midowno sidii Dalka looga ciribtirilahaa Khawaarijta ku soo duushay” ayuu yiri Mudane Muungaab.