Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo gaaray Gelinsoor

Wafdi ballaaran oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caddaaladda,Maxamuud Guure Guuleed, wasiiru dowlaha Caafimaadka, Axmed Mire Faafaale, Guddoomiyaha gobolka Galgaduud, Cilmi Cali Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa maanta gaaray degmada Gelinsoor ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiya Gelinsoor, Xersi Muuse iyo wax garadka degmada ayaa ka mahadceliyay socdaalka wafdigan, waxanay sheegeen inay u baahan yihiin dhammaan adeegyada kala duwan ee bulshada iyo kuwa dowliga ah sida degmooyinka kale ee Galmudug.

Wasiiru dowlaha Caafimaadka Galmudug, Axmed Mire Faafaale ayaa sheegay inay u taagan yihiin in shacabka loo adeego, wuxuuna xusay in Gelinsoor ay u baahan tahay in laga xoojiyo dowladaha hoose si shacabku ay u gaaraan adeegyada ay u baahan yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud, Cilmi Cali Cabdi ayaa ugu dambayn sheegay inuu safarkoodu ahaa wax u qabashada degmooyinka lagu soo kordhiyay Galmudug iyo sidii loogu dhammaystiri lahaa adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin.