Mas,uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaliya ayaa magaalada Jubba ee dalka koofurta Sudan kula kulmay 102 qof oo kasoo bara baxay dalka Sudan

Xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda XFS ayaa magaalada Juba ee dalka koofurta Sudan kula kulmay 102 oo laga soo samata-bixiyay dalka Sudan

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Xamse Aadan Xaadow oo uu wahliyo safiirka J. F. Soomaaliya u fadhiya dalka koofurta Sudan Danjire Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ( Cameey ) iyo Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofurta Sudan Mudane Saciid Jaamac ayaa kulan kula qaatay 102 qof Muwaadin oo u badan arday kuwaasoo laga soo samata-bixiyay dagaalka ka socda dalka Sudan.

Muwaadiniintan oo safar dhulka ah kusoo gaaray ilaa xuduuda dalka koofurta Sudan la leedahay dalka Sudan ayaa waxaa iska kaashaday samata-bixintooda safaaradda Soomaaliya ee dalka koofurta Sudan iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka koofurta Sudan.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa kasoo kala galay labo magaalo oo xudeedda ku kala yaala oo la kala yiraahdo Ranka iyo Baaluuj kuwaasoo ku yaala soohdinta Sudan iyo koofurta Sudan kala qeybisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa wata dadaalo lagu soo samata-bixinaayo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku bara baxay dagaalka Sudan ka socda.