Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeyb galay Munaasabad hambalyo loogu dirayey Mayor Naadiya

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo loogu hambalyaynayo guusha ay gaartay Naadiya C/risaaq Maxamed oo ku guulaysatay in ay noqoto Maayarka magaalada St. Louis Park ee dalka Maraykanka.

Xildhibaan Sacdiya guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka BJFS oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in Naadiya tusaale u tahay gabar kasta oo Soomaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi “Guusha Naadiya waa guul dadka Soomaaliyeed u soo hoyatey gaar ahaan dumarka Qurba-joogta ah oo kaalimo Hormuudnimo ah uga jira siyaasadda wadamada ay ku dhaqan yihiin “ ayaa hadalladiisa ka mid ahaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ”Naadiya guusha ay gaartay waa mid weyn waxayna tusaale u tahay Gabdhaha Soomaaliyeed”

Xildhibaan Odowaa ayaa isna munaasabadda ka sheegay in guusha Naadiya tahay guul Soomaaliyeed,isagoona ugu hambalyeeyay dhammaan Haweenka Soomaaliyed.