Masuuliyiin ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNODC oo maanta booqasho ku yimid xafiiska Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya

Masuuliyiin ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNODC oo uu hogaaminayo Madaxa Xafiiska UNODC ee Soomaaliya, Mr. Reginald Pitts iyo Lataliyaha Gaarka ah ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee UNODC Mr. David Robinson ayaa maanta booqasho ku yimid xafiiska Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya .

Wafdiga ayaa waxa xarunta guddiga kusoo dhaweeyay Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga ahna ku-simaha Gudoomiyaha Dr. Xasan khaliif Xasan iyo xubnaha kale ee ka tirsan Guddiga, Intaa kadib waxaa shir wada qaatay labada dhinac kaasoo ay xubnaha guddiga warbixin ka siiyeen masuuliyiinta ka socotay UNODC dadaalada uu Guddiga Madaxa Bannaan Ee Ladagaalanka Musuqmaasuqa ka sameeyay la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo fulinta Axdiyada iyo heshiisyada la dagaalanka musuqmaasuqa ee caalamiga ah.

Dhankooda madaxda ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNODC ayaa soo dhaweeyay dedaalada laga sameeyay la-dagaalanka musuqmaasuqa ee uu hormuudka ka yahay Guddiga Madaxa-bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu ballanqaaaday in ay sii wadi doonaan taageerada iyo la shaqeynta guddiga.