Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wafdigan ayaa waxa hoggaaminaya Xildhibaan Geeddi Oomane oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, Taliyaha Booliska Hirshabelle Gen. Xasan Dhicisoow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe Muuse Shitaawe.
Booqashada mas’uuliyiintan ayaa qeyb ka ah dadaallada xukuumadda Hirshabelle ay ku taageereyso ciidamada deegaanka ee ka qayb qaadanaya xoreynta gobolka Shabeellaha Dhexe.
Mas’uuliyiinta ayaa ku boorriyay ciidamada xaq u dirirka in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda, iyagoo ballan qaaday in dowlad-goboleedka Hirshabelle iyo dowladda dhexe ay garab istaagi doonaan howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta gobolka Shabeellaha Dhexe.