Wasiir dowlaha arrimaha gudaha XFS Saadaad Caliyow , Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha XFS Cismsan Libaax oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ,Safiirka Dalka Qatar u jooga Soomaaliya Dr Abdalla Bin saalim Al- nucaymi iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay Mashruuc lagu taakuleeynayo laguna kafaala qaadayo carruurta agoonta ah.
Mashruucaan waxaa magaalgalinaya Dowladda Qatar, waxaana fulinaya Hay’adda Qatar Charity, iyadoo ay kormeeri doonto fulinta mashaaruucaan Hay’adda SoDMA.
U jeedka Mashruucaan ayaa ah in carruurta agoonta goobaha lagu xanaaneeyo la gaarsiiyo shixnado gargaar ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, si loogu taakulayo agoonta.