Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar oo Kaashanaysa Naadiga Ardayda Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda ayaa qabatay munaasabad si weyn loosoo agaasimay oo lagu maamuusayay Xuska 66-guuradii ka soo wareegtay maalmihii Xorriyadda Dalkeenna (26-ka Juun & 1da Luuliyo 1960).
Munaasabaddan oo ay kasoo qayb galeen Boqollaal kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Masar ku nool oo isugu jira aqoonyahan,Arday,Saaraakiil Ciidan oo waxbarasho u jooga Dalkan iyo inta badan haldoorka Jaaliyadda,waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Safiirka Jabuuti u fadhiya Dalkan Masar Danjire Axmed Cali Barre iyo xubno Diblomaasiyiin ah,dhinaca kale waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano katirsan Baarlamaanka J.F.S.
Qaar kamid ah Mas’uuliyiintii iyo marti sharaftii kasoo qayb gashay munaasabadda oo hadallo ka jeediyay madasha ayaa Dhammaantood dul istaagay Muhiimadda ay leeyihiin Maalmaha Xoriyadda iyo sida ay tahay in loosii adkeeyo taabba galinta qarannimada iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
Safiirka Dowaladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti,Mudane Axmed Cali Barre oo goobta hadal ka jeediyay,ayaa ku sifeeyay Dalka Soomaaliya dhul barwaaqo ah,wuxuuna Dadka Soomaaliyeed ugu yeeray Wadajir iyo Waddaniyad.
Danjiraha J.F.S ee Masar, Mudane Cali Cabdi Awaare, oo khudbad ka jeediyay Munaasabadda ayaa Hambalyo u diray Dhammaan Dadka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa ku nool dalka Masar,isagoo ku adkeeyay Jaaliyadda,ilaalinta Midnimada iyo kor u qaadida Sharafta Magaca Soomaaliyeed ,sidookalana wuxuu safiirku Jaaliyadda faray in ay ilaaliyaan Magaca,Sharafta iyo sharciga Dalka ay ku noolyihiin ee Masar oo uu ku sifeeyay Walaalo si daacadnimo ah uga qayb qaatay xoriyaddii iyo Halgankii Soomaaliya.
wuxuuna ku ammaanay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar sida ay deeqo waxbarasho oo joogta ah ugu fidiso ardayda Soomaaliyeed,isagoo sheegay in ay tahay wax aan marnaba la illaawi karin.
Danjire Awaare dhanka kale wuxuu tilmaamay sida ay uga go’antahay in Safaaraddu sida ugu wanaagsan ugu adeegto Muwaadiniinta isagoo xusay in xafiiskiisa iyo xiriirkiisu u furanyahay qof walba oo Soomaaliyeed oo dan ay kasoo gasho Safaarada.
Ugu danbayntii Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay sida uu Madaxwaynaha J.F.S Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ugala Qayb galay Xuska Munaasabadda 1da Luuliyo, Kumannaan Dad ah oo ku dabaal degayay Bartamaha Caasimadda Muqdisho, wuxuuna ku sifeeyay in tani Astaan u tahay Soomaaliya oo Nabad ah kuna socota Jidka Barwaaqada iyo Midnimada.

