Masar iyo Mareykanka oo taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Qaahira- Dowladaha Mareykanka iyo Masar ayaa taageeray madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka soo horjeestay damaca guracan ee dowladda Itoobiya.

“Mareykanka iyo Masar waxa ay ka soo horjeedaan xadgudubka iyo damaca dhuleed ee Itoobiya,” ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah shir jaraa’id ay si wadajir ah magaalada Qaahira ay ugu qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar , Badr Abdelatty iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony J. Blinken.