Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan, ayaa maanta kaarka codeynta doorashada golaha deegaanka Gobolka Banaadir ka qaadatay degmada Dharkeenley oo ka mid ah degmooyinka ay shacabka caasimada ka qaadanayaan kaarka doorashada.
Boqolaal dadweyne ah oo ka kooban qeybaha kale duwan ee bulshada ayaa safaf dhaadheer ugu jiray qaadashada kaarka codeynta kuwaasi oo usoo baxay inay ka dhabeeyaan rajadooda oo ah inay mustaqbalkooda go,aanka ka gaaraan.
Marwo Sahro Cumar Xasan marwada madaxweynaha JFS ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay si buuxda uga qeyb-qaataan qaadashada kaarka codbixinta sidoo kale Waxa ay xustay in ka qeyb-galka doorashooyinka uu yahay waajib muwaadinimo oo muhiim u ah dhismaha dowladnimada iyo matalaadda shacabka.


