Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday dalka Turkiga.

Madaxda Qaranka ayaa la filayaa inay dhawaan dekedda Muqdisho kaga qeyb galaan munaasabad lagu soo dhoweynayo markabkaan iyo kuwo kale oo la socda.

Markabkaan ayaa bilowga toddobaadka dambe u jihaysan doona xeebaha Galmudug, halkaas oo laga sameeyay sahanno shidaal, si loo dardargeliyo howsha soo saaristiisa.

Tallaabada ku aadan qodosta shiidaalka Soomaaiya ayaa ah mid muhiim ah oo kor u qaadaysa rajada dadka ,isla markaana dhalineysa koboc dhaqaale iyo in laga faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah.