Mareykanka oo sheegay inay gacanta ku dhigeen Hub iyo Saliid laga leeyahay Iiraan

War qoraal ah oo ka soo baxay Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Badda Mareykanka ay la wareegeen Hub, Shixnad Saliid ah iyo labo Markab, kuwaa oo laga leeyahay Iiraan.

Washington ayaa dhigeeda Dehraan ku eedeeysay in shixnadan ay la damacsanayeen inaay gacanta u geliyaan dagaalyahanada Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalkaYeman.

Warka waxuu intaa ku darayaa in Hubkan la qabtay uu ka kooban yahay 171 Gantaal oo ah nooca Balaastiga ah iyo tiro kamid ah Gantaallada lidka Taangiyada, sidokale waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa sheegtay inay la wareegeen ku dhawaad ​​hal milyan iyo 100 kun oo fuusto oo saliid ah.

Waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa bayaankeeda ku xaqiijisay in waxa dhacay ay muujineyso awoodda Ciidamada Mareykanka ay uleeyahiin ka hortaga qalqal galinta Iiraan ay ku hayso gobalka, ee ku aaddan Hubeeynta kooxaha argagixisada ah.