Mareykanka oo ku dhawaaqay inuu joojinaayo lacagahii uu siin jiray Milatariga Masar

Sida laga soo xigtay Saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa doonayo in uu Masar ka joojiyo lacagahii gargaarka Milatari ee ay siin jireen Ciidamada Masar, taasi oo gaaraeysay 130 milyan oo doolar.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa bishii Sebtembar ee sanadkii tagay sheegay in la joojin doono lacagaha ay siiyaan Milatariga Masar, haddii aysan wax ka qaban tacadiyada  xuquuqul insaanka ee ka jira dalkaasi.

Hay’adaha xuquuqul insaanka Mareykanka ayaa waxay horay ugu baaqeen in gabi ahaanba la joojiyo dhaqaalaha la siinayo Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Cabdifataax Al-Sisi.

Madaxweyne Biden ayaa horay u ballan qaaday in xuquuqul insaanka uu udub dhexaad u yanoqon doono maamulkiisa, xilli Hey’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha ay ku cadaadinayaan maamulka Washington wax ka qabashada Masar , inkastoo la filaayay in uu soo hagaagayo xiriirka u dhaxeeya Masar iyo Mareykanka, ka dib markii bishii Abriil ee sanadkii tagay Qaahira ay dhexdhexaadisay Israa’iil iyo Xamaas.